Hargeysa (Himilo)-Waxa Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland lagu qabtay Munaasibad Ballaadhan oo lagu xusayey maalinta Saxaafadda dunida oo ku beegan 3-da bisha May oo shalay ahayd.
Munaasibaddan oo lagu qabtay Huteel Mansoor ee Magaalada Hargeysa, Soona qaban-qaabiyeen Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa waxa ka soo qayb galay Hoggaanka sare ee Solja, Xildhibaanno, Wasiirro, Madaxda Sare ee Madasha wada-tashiga iyo Toosinta qaranka, Siyaasiyiin kale oo mucaarid ah, xubno ka tirsan Xisbiyada Qaranka iyo suxufiyiin.
Madasha ayaa intii ay socotay si weyn loogu faaqiday dhibaatooyinka lagu hayo saxaafadda madaxa Bannaan ee Somaliland iyo waliba xad-gudubyo ay mararka qaarkood gasho saxaafaddu.
Ugu horrayn waxa halkaas ka hadlay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale, waxana uu si weyn ugu dheeraaday sida loogu Baahan yahay in la ilaaliyo xorriyatul-qaylka iyo madax bannaanida saxaafadda gaarka loo leeyahay.
Mr Boobe ayaa ku adkaystay in xorriytul-qawlku kaw ka ahaa wixii halganka laga soo galay ee Nafaha badani u soo dhinteen, “Marka laga hadlayo madax-bannaanida saxaafadda Halgan hubaysan oo Toban sano oo snm madax u ahayd ayaa loo soo galay, waxaana loo soo galay xorriyatul qawl iyo inay dadku Dareenkooda si xor ah u Cabiraan, dhiig iyo dheecaan baa ku baxay Siigaa loo soo huwaday, Sallax baa loo soo barkaday, Carruurtayadaa u soo silicday waana loo sedqeeyey qaar badan, Hadallada Jabhadda mujaahidiintu marka ay dhitinayaan waxa loo waayey waa Cumaacumahayagii” ayuu yidhi Boobe Yuusuf.
Waxa uu Boobe sheegay inay lama filaan tahay in maanta lagu murmo Hay’ado warbaahineed in la xidho, isagoo intaas raaciyey in xorriyadda saxaafaddu aanay ahayn wax cid laga baryayo gaar ahaan aan caddaadis saxaafadeed laga aqbalayn xukuumaddan haatan jirta, waxaana uu yidhi, “Maanta lama Filayn inaynu isku qabsano Haatuf Qufullada hallaga jabiyo Hubaal Qufulka Hallaga Jabiyo, Waana wax loo soo dhibtooday oo loo soo Hawlgalay . Waxaasina wax si fudud ku tegaya ma aha Dadkuna sidii ay u dhacsadeen ayey u dhacsanayaan, ma aha wax ay ka dhaqaaqayaan oo ay ka tegayaan, mana aha wax baryo ah oo cid laga Tuugayo, waliba Nidaamka maanta jooga wax laga Tuugayo ma aha, waayo waxa loo aanaynayaa inuu Hoggaaminayey Halgankaas.”
Guddoomiye-ku-xigeenkii Kowaad ee hore ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Isaguna Halkaas Hadlay ayaa sheegay in saxaafadda Madaxa Bannaani ay abaal badan ku lahayd xisbiga Kulmiye, isla-markaana ay kaalin muuqata ku lahayd inuu talada dalka qabto, isagoo tilmaamay in markii uu xukunka qabsaday uu meel ku ilaaway abaalkii xasaafadda, “Kulmiye mid buu xariif ku ahaa oo waxa uu yiqiinay sida wax loogu guuro, Baarlamaankii iyo Saxaafaddiiba wuu ku guuray, intiibana wuu ka dul tallaabsaday oo idiinma Baahni buu yidhi,” ayuu yidhi Cabdirxanaa Cabdiqaadir, waxaana uu intaas ku daray,
“ina Rayaale waxaanu odhan jirey waa Nabad-sugid oo wax buu xidhxidhaa, 8-dii Sano ee uu xukunka Hayeyna waxa uu xidhay 17-suxufi, Siilaanyo-na Labadii sano ee ugu horreeyey waxa uu xidhay 58-suxufi. Haddii ay Dimuqraadiyadda aynu sheeganaynaa inaga dhab tahay Saxaafaddu waa ka kaw.”
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u soo jeediyey tallooyin uu ugu sheegayo inaan la is cabudhin, waxana uu yidhi, “Axmed Maxamed Siilaanyo Waxaan Leeyahay, Haddii aad leedahay aniga iyo Qoyskaygii intaanu idin dhacno baanu Ninkii Juuq yidhaahdana Jeelka Dhigaynaa Kaa Socon Mayso”
Guddoomiye-ku-xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, oo madashaas ka hadlay, ayaa sheegay inay xisbi ahaan ogol yihiin in laga hadlo muqusuqa iyo tuugadaba, laakiin ay warbaahinta qudheedu u baahan tahay inay wax badan oo ka khaldan saxdo, waxana uu yidhi, “Annagu waanu Oggollahay in Musuqmaasuqa laga Hadlo oo anaga ayey siyaasaddayada ka mid noqoto inaanu musuqmaasuqa ka dagaallano, laakiin Haddii ay siyaasadda warbaahinteenu noqoto Jariirad soo Saar Ciddaad rabto wax ka sheeg cadaawadna halla abuuro oo hallagu kala aargoosto Warbaahinteena dhaqi mayso.”
Mujaahid Maxamed Kaahin waxa si gaar ah u sheegay inay ka go’an tahay in Arrimaha Haatuf iyo Hubaal oo haatan meheradahoodii xidhan yihiin si wada jir ah loo dhameeyo oo laga daayo sharciga iyo maxkamadaha sida Somaliland arrimaheeda kaleba ugu dhamaysato,
“Waxan rabaa inaan Arrinta Haatuf iyo Hubaal Ururka Solja iyo Qoladiii Meharadaa lahayd in la iskaga yimaaddo oo laga wada Hadlo oo aan faraha la isku fiiq-fiiqin oo iyagana xaqooda la siiyo iyaguna xuquuqda lagu leeyahay la siiyo .” ayuu yidhi Mujaahid Maxamed Kaahin.
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo isaguna munaasibaddaas ka Hadlay ayaa isaguna sheegay in arrinta Wargeyska Haatuf ay maxkamadda ku jirto, taasna ay dawlad ahaan isla qaateen, balse aanay haddana diidanayn in si wada jir ah loo dhameeyo, waxana uu yidhi, “Arrinta wargeyska Haatuf, waxay taallaa Maxkamadda, xeerka Saxaafadd ee jira in loo raaccana waanu qabnaa Mabda’iyan. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa waar saxaafaddu dal kale kama ay dhaline aynu wada Hadal ku dhamayno taasna diyaar baanu u nahay.”
Wasiir Cukuse waxa uu si gaar ah ula kaftamay Siyaasiyiintii mucaaridka ahayd ee Madashaas ka hadashay oo Xukuumadda ku dhaliilay inay cabudhin ku hayso warbaahinta, isagoo si gaar ah u magacaabay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxana uu yidhi, “Anigu markaan Afhayeenka ahaa Madaxweynuhu waxa uu afkiisa igaga yidhi waligaa Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo Cali-gurey midna ha u jawaabin waayo inamadaydii bay ahaayeen, waligayna labadooda midna uma jawaabin, laakiin waxan idin leeyahay waxaas uu Odaygu xasuusan yahay xasuusnaada waa wixii hore idiin soo dhex maraye. Madaxweynahana haddaad nala qirteen inuu wanaagsan yahay dee dhashiisuna way wanaagsan tahay, Madaxweynahana lama kala reebi karayo.”
Guddoomiyaha Wargeyska Xayiran ee Haatuf Yuusuf cabdi Gaboobe, ayaa isaguna tilmaamay in sababta wargeyskooda loo xidhay ay tahay sheegidda musuq uu sheegay inay xukuumaddu ku kacday, waxana uu arrintaas ku tilmaamay mid taariikhda madaxweynaha Somaliland saamayn liidata ku keeni doonta“Anaga wax kale nalaguma Haystee waxa nalgau haystaa musuqmaasuq aanu ka hadalnay, laakiin waxa mudnayd in baadhitaan lagu sameeyo, waxase ayaandarro ah in Madaxweynihii dalka Xukumeyey uu la safto kuwii Musuqmaasuqa sameeyey ee aan Jawaab laga qaadin, halkii uu ka odhan lahaa waad ku mahadsan tihiin Haddii aad arrimahaas soo ogaateen. Shakina kuma jiro in Xukuumaddani ay taarikhda ku geli doonto tii ugu caddaalada xumayd ninka Magac-xumada ugu weyni halkaas ka raacaysaana Waa Axmed Siilaanyo oo aan la odhan karin kuma jiro xasuuqan ay Xukuumaddiisu u geysanayo xorriyatul qowlkii.” Ayuu yidhi Yuusuf cabdi gaboobe.
Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa isagu saxaafadda ku dhalliilay inay ka baydheen waddadii saxda ahayd oo ay siyaasi dan leh ku mashquuleen, isla-markaana dhinac uga leexdeen waajibkii ka saarna u shaqaynta dadka danyarta ah iyo noloshooda, waxana uu yidhi, “Saxaafaddu ha usoo noqoto umadda oo ha hoggaamiso oo siyaasaddan madhalayska ah iyo siyaasigan maalinba xisbi gelaya wax macno ah oo samaynaysaa ma jirto”
Xildhibaan Siciid cilmi Rooble iyo Xildibaan Xasan Cawaale Caynaan oo halkaasi ka Hadlay, ayaa sheegay in saxaafaddu ka dheeraato wixii dhibaato u keeni kara, iyagoo sidoo kale xukuumadda u soo jeediyey inay Saxaafaddu tacaddiyada ay sheeganayso ay hoos u eegto.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment