Saturday, May 3, 2014

Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo Xukunno Dil iyo Xadhig Iskuga Jira Ka Soo Saartay Kiiskii Ugu Hadal-haynta Badnaa Somaliland ee Marxuumad Ruqiya Siciid Lagu Dilay




Hargeysa:(Himilo)-Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ayaa soo saartay Natiijada Kiiskii Loo Haystay Eedaysanayaasha dhacdadii lagu  dilay marxuumad Ruqiya Siciid ayaanle oo dhammaadkii bishii saddexaad ee sanadkan laga helay maydkeeda god guri ku yaalla Magaalada Hargeysa.


Maxkamadda oo muddo soo wadday kiiskan ayaa aakhirkii soo saartay Natiijo, iyadoo  xukunno dil iyo xadhig iskugu jira ku ridday tiro dad ah oo eedaysanayaal ahaa.


Islaanta wax dishayWaxay Maxakmaddu Dil toogasho  ah ku xukuntay 4 ka mid ah Qoyskii Maydka Marxuumadda Gurigooda laga Helay, kuwaasoo kala ahaa   hooyadii  Qoyska  Muna Maxamed Cabdilaahi,  ina  Faadumo Cali 37Jir ah, waxa Maxkamadu ku xukuntay Qisaas Dil ah, Maxamed Axmed Cabdi, ina Muuna Maxamed Waxay Maxkamadu ku xukuntay Qisaas Dil ah, Sakariye Axmed Cabdi ina Muuna Maxamed oo 19-Sanno jir ah, Waxay Maxkamadu ku xukuntay Qisaas Dil ah, Farax Axmed Cabdi Ina Muuna Maxamed 19Jir ah, waxay Maxkamadu ku xukuntay dil.


Inankeedii dilka kula jirayAfartaasi ruux waxay maxkamddu ku  xukuntay Qisaas dil ah, halka ay


Hana Cabdi Salaam Ismaciil, ina Muna Maxamed 17-sano jir ah kaga xukuntay Xabsi toban sano ah, maadaama ay ka yartahay 18-sano oo wixii ka yar aanu sharciga Somaliland u yaalla dilaynin.


Kalsoon Xaaji Baxnaan Xirsi,  ayey  Maxkamaddu u celisay Xorriyadeedii iyadoo Sidoo kalena  Cabdi Salaan Ismaciil Maxamed oo ah ninkii qabay Muna Xorriyadiisii loo celiyey.


Maxmaed Xassan Cabdi oo lagu eedeynayey in uu booliska Majaro habaabiyey oo  Ciidanka u sheegay inay Eedaysanuhu joogto Kala-baydh lagu Xukumay Hal Sano Oo Xadhig ah.


Kiiskan haatan maxkamaddu natiijada ka soo saartay ayaa ahaa kiiskii ugu hadalhaynta badnaa Somaliland muddooyinkii ugu dambeeyey, waxana ay dad badani u dheg taagayeen waxa uu noqon doono xukunka lagu rido dadka falalka noocaas ah ku eedaysani.


Xukunkan ayaa waxa  ku dhawaqay Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa Faysal Maxamed Cabdilaahi (Faysal dhaga dhago ).


                                                                                              


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 


 


 


 



 

No comments:

Post a Comment