Tuesday, May 6, 2014

Maamul goboleedka Puntland oo mar kale ku hanjabay Duullaan ka dhan ah Somaliland




Garowe, 06 May, 2014 (Himilo)- Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa mar kale ku hanjabay  inay weerar milatari ku qaadi doonaan fadhiisimada ciidamada Qaranku ku leeyahay deegaamada gobolka Sool.


Axmed-KaraashMaamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo inta badan ku dooda inay Somaliland ka haysato dhul ay leeyihiin, ayaa dabayaaqadii bishii hore ku hanjabay inay duullaan ciidan ku soo qaadayaan fadhiisimada ciidamada Qaranka eek u sugan gudaha Xuduudka Somaliland, ka dib markii milatariga Somaliland kormeer ku tageen magaalada Taleex oo ku taala Bariga gobolka Sool, kaas oo maamul-goboleedkaasi sheegto inuu yahay dhul ka tirsan maamulkooda.


Haseyeeshee, ciidamada Somaliland ayaa isla maalintiisa dib uga soo noqday degmada Taleex wada-hadal is-faham dhexmaray wax-garadka iyo odayaasha deegaanka. Waxaana tallaabadaas xigtay kulan magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Dibadda Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde & Maxamed Biixi Yoonis iyo Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, ka dib markii dawladda Itoobiya soo-faro-gelisay qaylo-dhaan uu maamulkaasi ka sheegtay arrintaas.


Wasiirka Arrimaha Gudaha maamul-goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed-karaash) suxufiyiinta kula hadlayey  magaalad Garoowe, ayaa sheegay inaanay jirin wax wada-hadal ah oo dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland.


“Cahdiga ay leeyihiin waxaanu wada-hadalley Puntland, wax alaale iyo wax ka jiraa ma jiraan, lalamana hadlayo inta ay dadka dhulkiisa haystaan. Qaylo-dhaantii way naga badatay, waa ka daalley, waxaanu u sheegaynaa dawladaha deriska ah iyo bulshada caalamka, qaar wax la wadaa waabay jiraan, in aanaan dib dambe qaylo-dhaan u galayn, sidaa ay u isticmaaleen iyo xooggaa ay ku soo galeen baan kaga hortagaynaa.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment