Hargeysa, 06 Apri, 2014 (Himilo)- Muwaadin magaciisa la yidhaahdo Aadan Cabdi Xoore oo xaafadda Sheekh Cumar ee Koonfur/galbeedka magaalada Hargeysa ku leh dhul Beer ah, ayaa maamulka gobolka Maroodijeex ku eedeeyey inuu sifo sharci-darro uga xukumay dhul ay isku haysteen qoysas ay jaar yihiin, iyada oo dacwadda dhulkani taalo Wasaaradda Beeraha Somaliland.
Waraaq ay ku saxeexan yihin guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Jeeni-yare, Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Rashiid Axmed Maxamed, xoghayaha Gobolka Xamse Ciise Cabdi, Agaasimaha nabadgelyada gobolka Axmed Maxamed Xasan, taas oo ku taariikheysan 27-ka bisha 4aad ee sannadkan, ayaa lagu go’aamiyey in uu ku waayey Aadan Cabdi Xoore dacwaddii u dhaxaysay qoyska kale ee dhulka ku saabsanayd ka dib markii ay ka gar-naqeen guddi badhasaabku u xilsaaray, sida ku xusan go’aanka guddiga oo ka kooban Afar masuul ee kor ku xusan.
Aadan Cabdi Xoore oo xalay qoraal uu arrintan kaga cabanayo soo gaadhsiiyey xarunta Wargeyska Himilo, waxa uu sheegay in badhasaabku uga yeedhay xarunta maamulka gobolka iyada oo dacwadda dhulkani ka socoto Wasaaradda Beeraha, isla markii uu u tagayna uu amray in la xidho.
“Magacaygu Aadan Cabdi Xoore. Waxaanu lahayn dhul aanu isku xigno niman xigto, haddaanu annagu hore isku soo qabsanayna, dhaar iyo Kitaab baanu ku kala baxnay. Markii laysku soo noqday dhulkii intii baaqiga ahayd in lagu guuro awood gacan-ku-fushi.
Markii dambe ee laysku yimi ee aan ku idhi dhulka wixii aad ku dhaaratay iyo wixii aan dhaar kaga tagay waa kaas. Waxaan ogaaday dabeeto, shahaadadii oo Beerta oo tuugo ah oo la samaynayo, dabadeedna qoraal codsi ah baan keenay wasaaradda Beeraha, shahaadadii waa la joojiyey oo waxa lagu yidhi dacwad baa ka timi beertaas aad isu xigtaan, wasaaradda beeruhuna waxay soo saartay waraaq ay ku socodsiiyey Badhasaabka gobolka, maayarka, taliyaha booliska oo ujeeddadeedu tahay wax ka qabasho sharci-jebin.
Halkaas Marayso waa laga wareegay wasaaraddii beeraha ee dacwaddaasi taallay. Dabadeedna, waxa aniga layga yeedhay xafiiska badhasaabka, markii aan tagay xafiiskii badhasaabkii, wuxuu igu yidhi waan soo noqonayaa ee isug, soomuu noqon, maalintii dambe ee aan imina waan waayey. Dabadeed markii aan soo noqday maalintii kale, waxaan kala kulmay caga-juglayn iyo waxaanan filayn. Markii aan u galay badhasaabkii, fadhigii aan sidaas u fadhiistay xafiiska, ayuu igu yidhi (badhasaab) waar yaa inaad daw-baxdo ma doonaysid, maxaad u iman wayday meesha”. Dabadeed waxaan ku idhi, ‘guddoomiye inaan daw-baxo waan doonayaaye, adna waad maqnayd, hawshana ballan umaydaan samaynin, siday arrintu noqonaysaa wasaaraddii beerahana waxa taala dacwad,’ intaas markaan ku idhi, ayuu dabadeedna soo igu yidhi, Anigaa xukuma gobolka, waar xidha, telefoonkana ka qaada.’ Sidiibaa laygu geeyey saldhigga Dhexe, muddo saacado ah markaan xidhnaa, ayay niman odayaal ahi u tageen oo ku yidhaahdaan maxaad ninkan odayga ah ku xidhay arrintu sida laguugu sheegay maahee. Dabadeedna wuxuu amray in laysoo daayoo, wuxuuna qabtay wakhti . Dabadeedna maalintii dambe ayuu haddana yidhi Guddi baan u saaray oo meesha waan tagayaa. Markii meeshii aanu tagnay ee la eeg-eeg, labadayadii dhinacna la dhegaystay, ayuunbuu maalintii dambe xukun is ka soo saaray,” ayuu yidhi Aadan Cabdi Xoore.
Si aanu dhinaca maamulka gobolka Maroodijeex wax uga weydiinno arrintan, ayaanu isku daynay inaanu xidhiidh la samaynayo Badhasaabka gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud oo aanu telefonkiisa ka wacnay, haseyeeshee waa lanaga qaban-waaayey.
Sidoo kale, waxa aanu la xidhiidhnay xoghayaha gobolka Maroodijeex Xamse Ciise oo aanu telefonkiisa gacanta ka wacnay, balse nasiib-darro nooma suura-galin inaanu helno.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment