Garowe, 13 May, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), ayaa walaac weyn ku tilmaamay baahida iyo burburka hoos ahaaneed ee ka jira Puntland, isla markaana ka sheegay inuu ka baaxad weyn yahay siduu filayey ka hor intii aanu xilka qaban, mararka qaarna uu ku fikiro in go’aankii uu ugu tartamay madaxtinnimada qalad iyo sax ka uu ahaa
Cabdiweli Gaas oo wareysi gaar ah telefishanka Puntland la yeeshay, waxa uu sheegay inaanu wax badan oo uu og yahay ka sheegin karin telefishanka, balse marmar ku fekiro in go’aankiisii tartanka Madaxnimada Puntland ku saxsanaa iyo inkale. Mar la weydiiyey jiritaanka caqabado aanu hore u filayn xilligii doorashada oo ku soo baxay markuu Madaxtinnimada Puntland ku guulaysatay iyo waxa ka mid ah ayuu Cabdiweli Gaas sheegay in baahida ka jirta Puntland iyo burburka hoos ahaan ka jira baaxadiisa ka weyn yahay intuu filayey.
“Waa runtaa. Dabcan qofku markuu olole ku jiro iyo markuu wax maamulayo way kala duwan tahay, waxyaabaha aniga la yaabka igu leh waxa weeye baahida ka jirta Puntland, hoos ahaan burburka gudaheeda ka jiraa wuu ka baaxad weyn yahay anigu sidaan filayey ama u haystay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdiwali Gaas oo ka jawaabayey su’aasha kor lugu weydiiyey.
Madaxweyne Gaas oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Waxyaalo badan oo waxa jira immika aanan telefishanka kaga hadli karin, laakiin runtii mararka qaarkood aad is-odhanayso markuu qofku dantiisa shaqsiga ah eego, tollow ma ku habboonayd inaad tartanto ama go’aankii saxda ahaa ma qaadatay Cabdiweliyow..inaad is-tidhaahdo way dhici kartaa.”
Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in caqabad kasta la xidhiidho fursad, diyaarna u yahay inuu wanaag lagu xusuusto kaga tago Puntland, waxaanu yidhi; “Laakiin, caqabad kastoo jirta waxa ku lamaan fursad aad wax ugu qaban karto dalkaaga, oo wax wanaagsan aad kaga tegi karto. Waxaan diyaar u ahay waxaan qaban karo awooddayda illaa xadka u dambeeya inaan qabto”
Waa markii ugu horreysay ee uu Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo xilka Madaxtinnimada Maamulkaas loo doortay 8-dii bishii koowaad ee sannadkan aynu ku jirno ee 2014-ka uu sidan oo kale u shaaciyo inuu mararka qaarkood ka fikiro sax iyo qalad go’aankiisa Madaxweynennimo-doonku ka uu ahaa, markay u soo baxeen baaxadda baahiya gobollada Maamulkaas ka jira qiimayntiisa ka dib.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment