Tuesday, May 13, 2014

Badhasaabka Awdal Oo La Sheegay Inuu Xeer Ilaalinta Geeyey Dacwad ka Dhan Lix Xildhibaan Golaha Deegaanka Gobolkiisa ka Tirsan

Borama:May,13,2014 (Himilo)-Guddoomiyaha Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir ayaa dacwad ka dhan ah lix xildhibaano Ka Tirsan Golaha deegaanka Borama u gudbiyay xeer ilaalinta Gobolka.

aayar Xildhibaanada uu Badhasaabku Dacweeyey ayaa Marka hore Dusha ka saaray Eedo musuqmaasuq, kuwaas oo keenay inuu dhinaca sharciyada maro Badhasaabku.

Xildhibaan   Maxmed Xuseen Maydhane oo ka tirsan    Golaha Deeganka Boorama, ayaa Warbaahinta u sheegay in Badhasaabku dacwadaas Xeer ilaalinta Geeyey, waxana uu intaas ku daray in Khilaafka Badhasaabka iyo Golaha Degaanka u dhexeeyaa uu salka ku hayo  arrimo dhulka ku saabsan.

Dhulka la isku dacweynayo ayaa ah mid Dawladdu leedahay oo ku yaalla Xaafadda Xalane, waxana Xildhibaano Deegaanka ka mid ahi sheegeen in Badhasaabku dhulkaas  si hoose u iibiyey.

Badhasaabka ayaa la sheegayaa inuu Go’aankan qaatay kadib markii xubno ka tirsan Golaha deegaanka oo ay arrintan ku muransan yihiin ay Saxaafadda la hadleen, Bilowgii Toddobaadkan, soona Bandhigeen Eedo Badhasaabka iyo Xoghayaha Gobolku ku lug leeyihiin oo lagu boobayo dhul dan guud ah.

Ma jiro war madax bannaan oo xaqiijin kara Gudbinta Dacwadda ka dhanka ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ka tirsan oo isaga Laftiisa dhaafsiisani, waxana uu Badhasaabka Gobolkaasi Diiday inuu ka Hadlo Gudbinta Warqaddaas lagu Eedeyey.

Degmada Borama khilaafka ugu badani waxa uu ka taagan yahay Arrimaha Dhulka oo Golaha Deegaanku  dhexdooda isku eedeeyaan, balse inta badan Badhasaabku Faraha lama uu Geli jirin, marka laga Reebo Middan cusub ee la sheegayo inuu ashkatada ka Gudbiyey.

 

 

Himilo

Hargeysa/Desk

 

No comments:

Post a Comment