Kooxdan Maraykanka ay timi ayaa sidoo kale Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa qoraal dheer oo ay Gacantga ka geliyeen ugu Hambalyeeyey Horumarka iyo Wax qabadka ay ku tallaabsadeen muddadii ay hoggaanka dalka hayeen.Aqoonyahankani waxa ay tilmaamyeen in Waxqabakaas muuqdaa uu yahay mid hiil u ah hiigsiga qaran ee Fof iyo ka midho dhalinta ujeeddooyinka sii adkaynaya gaadhidda Yool dhamaystiran oo Miisaanka qaranku Bulshada Caalamka ku leeyahay sii Xoojinaya.
Qoraalka ay u gudbiyeen Kooxdani Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, ayaa u dhignaa sidan
“run ahaantii hadaanu nahay aqoon yahanka iyo wax garadka gobolka awdal ee degan waqooyiga maraykanka, waxaanu si dhow ula soconaa talaabooyinka is daba jooga ah ee dhinaca horumarka u socda ee xukumad ahaan aad qaadeen, waxaanu aad ugu farax sanahay in horukacaasi uu Raad ku yeeshay siyaasada arrimaha dibada iyo tan gudahaba, waxaana xusid mudan isbadaladaasi in ay yihiin qaar taabtay bulshada reer Somaliland oo dhan, kuwaasi oo ay ugu muhiimsan yihiin wadooyinka, waxbarashada, caafimaadka amniga gudaha arrimaha dibada, miisaaniyada iyo waliba qaar kaloo badani.
Waxaanay ku bogaadiyeen socdaalkii dheeraa ee xeebaha uu ku soo maray madaxawaynuhu kuna dhiiri gelinayay wax-qabadka adeegyada bulshada waa kuwo markhaati cad ka bixinaya sida aad ugu-dateen waajibaadkii iyo amaanadii ummada aad u hayseen.
waxaana naga go’an in kaalintayada annagoo isku duuban aanu qaadano, idinkuna barbar istaagno dhisamaha qaranka iyo horumarintiisa, waanu idinku hambalyaynaynaa horumarka marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaya kaasi oo muuqaalka uu bixinayaa ay noqonayso mid uu taageero qarankeenu kaga helayo bulshada caalamka, ayay ku soo gaba-gabeeyeen.
Waxaana qoraalkan hambalyada ee aqoonyahanka reer Awdal ay u soo direen madaxwaynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland soo gaadhsiiyay oo wakiil ka ahaa Xaaji Ibraahim Muxumed Aaye iyo Xasan halas.
Warsaxafadeedkaas ayaa waxa ku saxeexnaa Afhayeen Madaxtooyada somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul.
Himilo
Hargeysa/Desk
No comments:
Post a Comment