Friday, May 16, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Reer Hargeysa Salaaddii Jimacaha Kula Tukaday Masaajidka Rusheeye

Hargeysa:May,16,2014 (Himilo)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa Maanta Salaaddii Jimcaha Shacabka kula tukaday  Masaajidka Rusheeye Ee Magaalada Hargeysa.

shediTukashada Madaxweynaha ee Salaadda Jimcaha ayaa waxa ku Wehelinayeyey Xubno ka mid ah Golihiisa wasiirrada, Xildhibaano, Taliyayaal Ciidan iyo  Boqolaala ka mid ah Shacabka reer Somaliland oo ay iskugu yimaadeen Masaajidka  Rusheeye Ee Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa Socod kooban ku maray shacabka Dhexdiisa, waxana uu Salaanta la dhex qaaday dadweyne Tiro badan oo masaajidkaas ku tukanayey.

Tukadashada Salaadda Jimacaha ee Suuqa dhexdiisa ayaa ku soo Beegmaysa xilli ay Maalinta La xusi doono munaasibadda 18-ka may ya ka xigto laba maalmood oo kali ahi, waxana ay tani muujinaysaa Nabadda iyo horumarka ka jira somaliland, maadaama Madaxdeedu six or ah ugu Cibaadaysanayso Suuqa dhexdiisa.

Bixitaanka Madaxweynaha ee Suuqyada Hargeysa, ayaa sidoo kale Tusaale fiican u ah Wanaagga ka jira Somaliland iyo Nabadda ay kaga duwan tahay Dalal badan oo Geeska afrika ku yaalla.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment