Waftigan ayaa waxa wasiirka ku weheliya Wasiir-ku-xigeenka ganacsiga iyo madax dhaqameed ka soo jeeda Gobolka togdheer, waxana la Gudo galay Waan-waan labada dhinac la iskugu soo dhaweynayo.Xiisadda ayaa haatan deggen xilli labada dhinac mid walba ay hal dhimasho ahi gaadhay, waxase wali is hor fadhiya labada ciidan Beeleed.
Ergada ayaa ilaa galabata kulamo Gooni Gooni ah la leh Beesha Deegaanka Qorilugud, waxana ay ku adkeeyeen inay xiisadda Dejiyaan oo ay yareeyaan dhaqdhaqaaqyada ay ku hawllan yihiin.
Dhinaca Beesha Buuhoodle wararka laga Helayo ayaa sheegaya inay aqbalsan yihiin in Nabadda la soo celiyo, isla-markaana laga samro wixii dhacay.
Maalmaha Soo Socda, gaar ahaan Maalinta Sabtida ayaa la filayaa in Kulanka ugu horreeya lala yeesho Beesha Buuhoodle oo iyaguna haatan diyaar garow ugu jira sidii ay dhinaca Waftiga wasiirrada iyo Cuqaasha iskugu jira ula kulmi lahaayeen.
Wasiirka Macanta iyo Tamarta ayaa isaga ay isku raas yihiin Ninka ka dhintay Beesha Deegaanka Qorulugud, waana Sababta keentay in dejinta xaaladdaas isaga loo diro doorkan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment