Saturday, May 17, 2014

Majaajilaystayaasha Caanka ah ee Sooraan iyo Jawaan Oo lagu Soo Dhaweeyey Magaalada London

London:May,17,2014(Himilo)-Waxa Magaalada London ee Caasimadda Waddanka Britain si weyn loogu soo dhaweeyey jilayaasha caanka ah ee Reer Somaliland ee Sooraan iyo Jawaan.

jawaani iyoLabadan jilaa oo ah kuwo si weyn looga jecel yahay  Gebi ahaanba dhulka somalidu degto, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawllanaa sidii ay dal-ku-galka uga heli lahaayeen Dalka ingiriiska  oo ay Haatan joogaan.

Majaajilaystayaashan ka soo jeeda Somaliland ayaa qayb ka noqon doona Dabaal degga munaasibadda 18-ka may  ee lagu qaban doono Goobo badan oo ka mid ah dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah Ee London.

Sidoo kale waxa la filayaa inay Majaajilaystaasha Sooraan iyo jawaan ay Marti qaadyo kale ka heli doonaan Jaaliyaddo reer Somaliland ah oo ku dhaqan waddamada kale ee Yurub, maadaama ay yihiin Rag si weyn looga xiisaynayo Goobahaas ay ku dhaqan yihiin Shucuubta reer Somaliland.

Sooraan iyo Jawaan ayaa ka mid ahaa Wufuud ballaadhan oo sanadkan safarro dibadda ugu baxaysay, kuwaas oo u jeeddadoodu ahayd sidii ay Jaaliyadaha reer Somaliland ee Dalalka yurub iyo Amerika ugala qayb qaadan lahaayeen Farxadda Munaasibadda 18-ka May.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment