Wasiir Xaglo-toosiye oo maanta Wariyayaasha u warramayey mar uu ka soo laabtay Safar uu ku tegay Gobolada Bari ee Somaliland, ayaa meesha ka saaray inuu wax kulan la qaatay Xildhibaan Cali Khaliif Galay oo ay in muddo ah wada Joogeen Magaalada Buuhoodle iyo deegaanada ku hareeraysan.Wasiir Xaglo-toosiye ayaa si cad u sheegay inuu Wasiir ahaan aaminsan yahay inaanu Cali Khaliif wax wanaag ah u haynin shacabka ku dhaqan deegaanada Buuhoodle, “cali khaliif iyo Kooxdiisu waxann u arkaa Koox Nabad-diid oo qas badan ka wada Deegaankaas iyo kuwo kale oo badanba, dadweynaha ku dhaqan buuhoodle-na nasiib wanaag wax faa’iido ah kalama uu Kulmin, ciidan iyo Ergo midna Buuhoodle kama tegin, odayaashuna waxay u sheegeen inuu ka tago oo uu deegaanka ka baxo, annana ma aanu kulmin.”ayuu yidhi wasiir Saleebaan Ciise Axmed.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye ayaa safar muddo Toddobaadyo ah qaatay ku soo maray Deegaanada Buuhoodle oo aanu tegin tan iyo intii uu xilka wasiirnimo ka helay Somaliland.
Wasiirka ayaa reer Buuhoodle kala kulmay Soo Dhaweyn Ballaadhan, waxana uu u soo dhagax dhigay Goobo caafimaad iyo iskuulo halkaas laga dhisi doono, isagoo ku wareejiyey Gaadhi Ambulance ah oo degaankaasi yeelan doono.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment