Wednesday, May 7, 2014

Maxkamadda Sare Ee Kenya Oo Is Hortaagtay Amar Dawladdu Ku Celinaysay Qaxooti Soomaaliyeed Oo Halkaas ku Sugan

Nairobi:May,07,2014(Himilo)-Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku amartay wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku in uu joojiyo qorshaha dadka qaxootiga ah ee magaalooyinka jooga dib loogu celinayo xeryaha qaxootiga, ilaa laga dhageysanayo dacwad ay dad qaxooti ahi soo gudbiyeen.

 

kenaaGarsooraha maxkamadda sare ee Kenya, David Majanja ayaa soo saaray amarka, kaddib markii uu helay dacwad ay soo gudbiyeen sagaal qof oo ka wakiil ah shan boqol oo qof oo qaxooti ah oo sheegay in ay maalgashi xooggan ka sameysteen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

 

Dadka qaxootiga ah ayaa caddeeyay in ay dowladda Kenya soo dhoweyn wanaagsan u sameysay sanadkii 2006, laguna boorriyay in ay maal-gashadaan Kenya.

 

Dadka dacwadda gudbiyay ayaa ku doodaya in hirgelinta wareegto ka soo baxday wasiirka arrimaha gudaha iyo sii socoshada howlgalka lagu magacaabay ‘Usalama Watch’ ay halis ku yihiin xuquuqda ay u leeyihiin in ay sameeyaan dhaqdhaqaaq iyo in ay lahaadaan hanti sida uu qabo dastuurka dalka u yaalla.

 

Samow Muumin Maxamed oo ka mid ah dadka dacwadda gudbiyay ayaa tilmaamay in amarka dib-u-celinta dadka qaxootiga ah uu ka hor-imaanayo dastuurka Kenya, sharciyada ku saabsan qaxootiga iyo xeerarka caalamiga ah.

 

Dadka dacwadda gudbiyay ayaa sheegay in qorshaha dib loogu celinayo qaxootiga aan lagu tixgalin qoysaska carruurta leh, dadka sababo caafimaad u jooga Kenya, dadka ganacsatada ah ee dhaqaalaha dalka soo galiya iyo dadka xaaladaha qaxootinnimo ee gaarka ah qaba.

 

Dacwadda ayaa la dhageysan doonaa 27-ka bishan May, iyadoo ay goobj-oog noqon doonaan dhammaan dadka ay khuseyso.

Dawladda Kenya ayaa doonaysa inay dhammaan dadka somalida Qaxootiga ah ee Dalkeeda jooga dib ugu celiso Somalia, maadaama ay tuhun badan ka qabto in dadkaasi ay ku lug leeyihiin weerraro aan kala Go’ lahayn oo Gudaha Dalkaas Laga Wado.

No comments:

Post a Comment