Monday, May 12, 2014

Qaban-qaabada soo-dhawaynta Maayarka Degmada Southwark ee magaalada London oo si weyn looga dareemayo Hargeysa iyo Xilliga

Hargeysa (Himilo)- Waxa magaalada Hargeysa ilaa maanta si weyn looga dareemayaa qaban-qaabada soo-dhawaynta Maayarka degmada Southwark ee badhtamaha magaalada London, Cabdilaahi Badmaax, kaas oo la filayo inuu  maalinta Berri Safar ku yimaaddo magaalada Hargeysa.

MAAYIR LA HAGAAGJIYAAYCabdilaahi Badmaax oo ah muwaadin asal ahaan u dhashay Somaliland, balse sidoo kalena haysta dhalashada dalka Ingiriiska, ayaa diyaar-garowga soo-dhawayntiisa laga dareemayey magaalada Hargeysa, waxaana la filayaa inuuu maalinta berri gelinka dambe ka soo dego garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport.

Guddi iskeed isu-xilqaantay, xubno ka tirsan Qoyska Cabdilaahi Badmaax oo ilaa shalay qaban-qaabinayey soo-dhawaynta Cabdilaahi Badmaax iyo Masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xukuuumadda Somaliland, ayaa lagu wadaa inay Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyaan Maayarka degmada Southwark.

ASADSocdaalka uu Masuulkan sare ee ka tirsan Goleyaasha deegaanka magaalada London ku imanayo Somaliland, ayaa noqonaysa markii u horeysay ee uu dalka ku yimaaddo tan iyo markii loo doortay Guddoomiyaha Golaha deegaanka Southwark Bishii May ee sannadkii 2013-dii.

Maayor Cabdilaahi Badmaax, ayaa la filayaa muddada uu socdaalka ku jooga dalka inuu la kulmo madaxweynaha Somaliland, Madaxda kale ee dalka iyo qaybaha kale ee bulshada rayid ka ah.

Maayor Cabdilaahi Badmaax oo ah aqoonyahan ka qalin-jabiyey Jaamacadda Leeds University ee dalka Ingiriiska, ayaa ka hor intii aanu ku biirin Golaha Deegaanka ee Faraday sannadkii 2002, waxa uu hore uga soo shaqeeyay isla markaana xubin ka ahaa Guddiga Heer Qaran ee dalka Ingiriiska u qaabilsan Macdanta (National Coal Board), isaga oo markii dambe Injineer Macdanta Qodista ah kaga shaqeeyey Shirkado ka hawl-gala qaaradda Afrika, gaar ahaan dalka Zambia ee Koonfurta qaaradda Afrika.

 

GUJI HALKAN SI AAD U DHEGAYSATO KHUDBADDII U HOREYSAY EE UU JEEDIYEY MARKII LA DOORTAY

Himilomedia.com

Hargeysa - Somaliland

No comments:

Post a Comment