Monday, May 12, 2014

Magacyada Saddex ka Tirsanaa Shaqaalaha Somtel Oo Ku Geeriyooday Shil Naxdin leh

Berbera:May,12,2014(Himilo)-Saddex ka mid ahaa Shaqaalaha Farsamada ee Shirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL, ayaa Geeriyooday kadiba marii uu la soo dhacay Taawar ay ka shaqaynayeen oo ku Yaallay Magaalada Berbera.

nree Shaqaalaha Geeriyooday ayuu la soo go’ay Taawarkan ay saarnaayeen xilli ay dhulka ka sarreeyeen Masaafo dhan 15-Mitir, waxana Halkaas ku Geeriyooday dhammaan tiradii shaqaalaha ahayd ee Halkaas saarnaa.

 

Shaqaalaha Geeriyooday, ayey Magacyadoodu kala yihiin sidan:

 

Magacyada dadka geeriyooday ayaa kala ah :

 

1. Marxuum Deeq Siciid Cismaan

 

2.Marxuum Cabdiraxiin Maxamed Kaarshe

 

3.Marxuum Axmed Nuur Cali

 

Sida uu ku sheegay Gudoomiyaha shirkada Somtel  Mudane Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal dhambaal tacsi ah oo goor dhawayd uu soo diray uu soo Gaadhay Xafiiska Wararka ee Himilo.

Guddoomiyaha Shirkadda SOMTEL ayaa dhambaalka Tacsida ah ugu diray Ehelladii qarabaadii iyo dhammaanba shaqaalaha shirkadda ee ay ka geeriyoodeen Shaqaalahaasi.

Shilkana ayaa  ahaa midkii ugu naxdinta badnaa ee soo gaadhaa shaqalaaha kala duwan ee SHirkada Somtel tan iyo intii ay shaqadeeda ka bilowda Somaliland.

Muddo ka hor ayaa shilkan oo kale uu ku  dhacay shaqaale ka tisanaa shirkadda Telesom, kuwaas oo iyagana uu la soo go’ay taawar ay xilligaas saarnaayeen, iyadoo halkaas uu dhaawaca iyo dhimashoba ka soo gaadhay shaqaalahaas.

 

 

 

Himilo

Hargeysa/Desk

No comments:

Post a Comment