Wax yar kadib markii codeynta ay dhammaatay, gudoomiyaha guddi doorasho oo isku magacaabay “Jamhuuriyadda dadka Donetsk”, Roman Lyagin, ayaa ku dhawaaqay in 89 boqolkiiba ay u codeeyeen inay ka go’aan Ukraine oo maamul gaar ah ay u sameystaan gobolka."Rabitaanku waxa uu noqday 89.07%. waxaa diiday 10.19%. codadka hallaabayna waxay gaadhayaan 0.74%.” ayuu yidhi Mr Lyagin oo ku dhawaaqay natiijada.
Mr Lyagin ayaa sheegay inkastoo beesha caalamka ay diiday inay aqoonsato aftidan, haddana in dadku ay hadleen ayna doonayaan in la maqlo codkooda.
Guddoomiyaha Guddiggan is magacaabay ayaa tilmaamay inay hadleen dadka bariga Ukraine ayna doonayaan si codkooda la dhageysto, lana arko awood-dooda.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dad gaadhayo 70 boqolkiiba inay codeeyeen, hannaanka codeyntana uu ahaa mid cadaalad ah:
Weli laguma dhawaaqin codeynta Lugansk. Dowladda Ukraine waxa ay hannaanka aftida ku tilmaamtay muuqaal dembi.
Quwadda kale ee Ruushka ayaa iyadu si dhaw ula socota dhaqdhaqaaqyada kooxahani kawadaan Goobahaas, walise wax hadal ah kama ay soo saarin Nariijada ay kooxahan is abaabulayaa soo saareen.
Himilo
Hargeysa/Desk
No comments:
Post a Comment