Kooxahan ayaa warbaahinta siiyey Muuqaal ay ku jiraan Hablihii ay afduubeen oo loo xidhay xijaabka, kuwaas oo si wada jira ah hal mar u wada akhriyaya qur’aanka oo ay sheegeen inay barayeen muddadii ay gacanta ku hayeen.Hoggaamiyaha Ururka Boka Haram Abubakar Shekau, ayaa tilmaamay inay Hablahaas sii dayn doonaan Marka xukuumadda Nijeria ay sii dayso Rag ka tirsan Ururkaas oo gacantooda ku jira.
Hoggaamiyaha ayaa sheegay in Muddadii ay hablahaas gacanta ku hayeen ay muslimiyeen intii aan hore diinta islaamka u haysanin, isla haatanna ay yihiin muslim buuxa.
Hablahan ayaa laga afduubay muddo bilk a hor ah Iskuul la seexdo oo ku yaalla Chibok oo ku taalla dhinaca waqooyi ee Dalka Nigeria.
Muuqaalkan ayaa noqonayaa midkii ugu horreeyey ee hablahaas laga helo tan iyo intii ay Gacanta kooxdan ku dhaceen.
Himilo
Hargeysa/Desk
No comments:
Post a Comment