Thursday, May 15, 2014

Shakhsiyad Si Weyn Ugu Xidhan Madaxtooyada Somaliland Oo Loo Magacaabay Haamaha Shidaalka Berbera

Hargeysa:May,15,2014(Himilo)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Mudane Maxamed Cabdilaahi  Cumar, ayaa Goor dhaweyn Maamulaha Haamaha Shidaalka Berbera u Magacaabay Isuduwihii hore ee Gobolka Saaxil u Qaabilsanaa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Saleebaan Siciid Cali, waxana uu Xilkaas ka qaaday Maxamuud Gahayr Ismaaciil.

saleee Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa ilaa Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin ku magacwnaa Isu-duwaha Diinta iyo Awqaafta Gobolka  Saaxil, iyadda oo xiligii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo taladda qabatay uu ka mid noqday Xubnaha u dhago-nugul awaamiirta ka soo baxa Xarunta Qasriga Madaxtooyada, waxaanu hor-seed ka ahaa Xubinihii Maamulka Gobolka iyo Degmada la safnaa ee sida weyn uga soo hor-jeedday  Shirkii Dan iyo Duco ee Beesha Gobolka  Saaxil ay ku qabsatay Deegaanka Dubur.

Sheekh Saleebaan ayaa intii aanay Xukuumadda Kulmiye Talada Dalka qabsan caan ku ahaa Wadiga iyo wax u sheegida Bulshada Gobolka Saaxil, waxana uu ahaa sheikh wax badan oo diiinta ah loo daba Fadhiisto, waxase uu dhinaca Siyaasadda u ruqaansaday xilliyadii uu Kulmiye Talada haaneeday.

Lama garan karo waxa uu sheikh Saleebaan ku soo kordhin doono Hawsha Haamaha shidaalka ee loo igmaday, mana jiro wax khibrad dhinaca Ganansiga ah oo uu ka haysto Hawlaha shidaal-keenista iyo ganacsiga waddamada Deriska ah.

 

 

HIMILO MEDIA

No comments:

Post a Comment