Hargeysa, 15 May, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay xilka ka qaaday Agaasimihii Guud ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Maxamed Axmed Maxamuud (Cagaweyne) oo xilka wasaaraddaas hayey tan iyo markii ay xukuumadda Kulmiye talada dalka la wareegtay.
Waxaanu madaxweynuhu xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha u magacaabay Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed shalay ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada oo xambaarsan digreeto madaxweynaha.
War-saxaafadeedka oo dhammeystiran, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2493/052014 uu xilkii kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha isla markaana waxa uu Madaxweynuhu wasaaraddaasi u magacaabay Agaasime Cusub.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha
Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada
Xoolaha ee JSL;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;
Wuxuu go’aansaday
In Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Xil-ka Qaadis
Ku: Dr. Maxamed Axmed Maxamuud (Cagaweyne), Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
Og: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
Mudane,
Waxa aan kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.
Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment