Colaadda dhex taalla Labada dhinaca ayaa ka bilaabbantay Qodashada Berkado Beesha Qorilugud hore uga hirgelisay Deegaanka Balliga Kalshaale oo u dhexeeya Coodanle iyo Buuhoodle, waxase ay dib u dantay isku day Nabadeed oo badan kadib.Maalintii shalay ayey colaaddani dib u curatay, kadib markii ay koox Hubaysan oo ka soo jeedda Deegaanka Buuhoodle ayaa Balliga Ballan-balle agtiisa ku dileen Marxuum ka soo jeeday Beesha Qorilugud oo iayguna intaas ka dib weerraro ay qaadeen ku dilay Laban in oo ka soo jeeda Deegaanka Buuhoodle.
Arrinta ayaa markaas wixii ka dambeeyey sii xumaatay, waxana ay labada dhinac dalbadeen Gurmad iyo isu Habar-wacasho Baahsan, waxana ilaa iyo xalay socday Gurmad dhinacyada ka imanayey oo loogu talo galayey in Weerarro la iskugu qaado.
Sida ay sheegayaan wararka aanu Halkaas ka helaynaa, waxa ay labada dhinaca haatan isku Hor fadhiyaan Deegaanka Balliga Balan-balle oo ah meeshii lagu dilay Ninka arrintu ka bilaabantay, isla-markaana ay labada beelood iska galaan, walise wax dagaal ahi ma uu bilaabmin.
Kooxaha Khaatumoda la baxay ayaa Shaqaaqadan si weyn ugu lug leh, waxana ay u jeeddadoodu tahay inay carqaladeeyaan Dedaalada uu wasiir Xaglo-toosiye Deeganadaas ka wado oo haatan u muuqda kuwo midho dhal ku dhaw.
Beesha uu ka soo jeedo Wasiirka Caafimaadku haatan kuma lug lahaa Shaqaaqadan, waxase Goobta Ciidamo Gurmad ah soo laba dhigaya Beelo kale oo ka durugsan Deeganadaas ay dhibaatadu ka taagan tahay.
Xukuumaddu wali ma ay qaadin wax tallaabo ah oo ay arrinta wax kaga qabanayso, waxana ciidanka qaranka oo Goob halka shaqaaqadu ka taagan tahay degen ayaa iska diiday inay labada dhinaca kala dhex galaan.
HIMILO MEDIA
No comments:
Post a Comment