Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya oo Shaaciyey inay isu-diyaarinayaan ka qayb-galka Aqoonsi-raadinta Somaliland ee Dalkooda iyo Caalamka-ba
Hargeysa, 15 May, 2014 (Himilo)- Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ee ka yimi Koonfurta dalka Soomaaliya, isla markaana Hargeysa ku sugan tan iyo Arbacadii toddobaadkii hore, ayaa shalay Kulan ay Odayaasha Dhaqanka Somaliland la yeesheen, ka dib hadallo ay jeediyeen ku sheegay inay Somaliland u qalanto inay hesho waxay dadkeedu doonayaan oo ah aqoonsi, waxaanay ballan-qaadeen inay ololaha qaddiyadda aqoonsi-raadinta Somaliland si buuxda isu-garab-taagayaan, dadkoodii iyo dalkoodiina kula noqonayaan in loo hirgeliyo waxa ay shacabkeedu rabaan 23-ka sano.
Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya, waxay beeniyeen warar sheegayay inay iyagu dhexdooda is-khilaafeen, isla markaana ku kala jabeen joogitaankooda Hargeysa, hase-yeeshee, waxay ku doodeen inaanu wax khilaaf iyo dirir ah oo soo kala dhex-galay jirin, balse ay duroofo ka soo cusboonaaday dalka Soomaaliya ee ay ka yimaaddeen Odayaasha qaarkood dib ugu laabteen magaalada Muqdisho duruufahaas awgood. Waxaanay meesha ka saareen inaanay dawladda Somaliland keenin Odayaal ahaan, balse ay go’aan ay iyagu leeyihiin ku yimaaddeen Somaliland, dowladda Somaliland-na ka codsadeen keliya inay dalkeeda iman karaan dadkeeda Dhaqankana la kulmi karaan, taasna ay ka oggolaatay oo ay uga mahad-celiynayaan.
Waxay Odayaasha Dhaqanka Beelaha Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya ka socdaa sidaa ku sheegen kulan Qado ah oo ay Shalay wada-yeesheen Madax-dhaqameedka Somaliland, kulankaas oo ay Hargeysa ku wada-yeesheen, waxay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya ku muujiyeen siday ugu qushuuceen waxay Somaliland qabsatay iyo sida ay Siyaasiyiinta, Shacabka, Madaxda Dhaqanka iyo guud ahaan qaybaha Bulshada oo ay la kulmeen marka laga reebo dawladda sida ay sheegeen ay ka arkeen midnimo iyo inay dhammaantood u muujiyeen dhinacyada ay la kulmeen inay rabaan gooni-isu-taaggooda, madax-bannaanidooda iyo aqoonsi caalami ah oo ay helaan.
Suldaanka Beelaha Daarood Suldaan Cabdicasiis Cumar Bayle oo kulankaas ka hadlay, ayaa yididdiilo fiican ka muujiyey aqoonsiga Somaliland oo uu sheegay inuu Suldaan ahaan u codeeyey, waxaanu yidhi; “Afkaank u hadlayaa afkii ummadda Soomaaliyeed weeye, afka kuwa fadhiya weeye, marjac naga sarreeya oo naga dambeeya oo aan kula laabanaynaa ma jiro, waxaan-se aan annagu qaadaynaa wax gaar ah oo aad ku qanacdaan haddii Illaahay yidhaahdo. Waxaan u sheegaynaa ummadda Soomaaliyeed iyo caalamkaba, kulankaan la kulannay Madax-dhaqameedka, Guurtida Somaliland, Ururrada Bulshada, Haweenka, Dhalinyarada, Culimo-awdiinka, Xisbiayada iyo dhammaan shacbiyadda Somaliland waxaan ka aragnay inay ka go’an tahay oo aanay wax kale rabin oo aanay wax kale oggolayn barbar-istaaggooda, xorriyaddooda iyo madax-bannaanidoodu way ka go’an tahay, markaannu taas aragnay anigu Suldaan Cabdicasiis ahaan horena waan idiinku sheegaye codkaygii waan idin siiyey.”
“Waxaan go’aansannay oo shir aannu dib u galnay ka soo baxay in wexeennu uu noqodaa wax gaar ah, wax gaar ah markuu noqonayo wax gaar ah noqonayaa waa inaan dib ula noqonnaa, waa inaan dib ula noqonnaa, waa inaan u yeedhannaa Baarlamaankeennii aan dhisannay, waa inaan u yeedhannaa dawladdeennii aan dhisannay, waa inaan u yeedhannaa Ururradeenna Bulshada iyo Dhaqankeennii, ummadda Soomaaliyeed waxaan xambaarsannahay ee aan ka qaadnay Hargeysa waa inaan u geyno, si waxeennu u noqdaan wax waanaagsan. Inkasta oo aannaan weli dawladdii Somaliland arag, haddana waxaan jeclaan lahayn dawladdana inaan aragno si aannu u aragno inay idinla qabaan waxan aad sheeganaysaan.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Cabdicasiis Cumar Bayle.
Guddoomiyaha Dhaqanka Digil iyo Mirifle Milaaq Cabdikariin Ibraahin Ibrow; ayaa isaguna kulankaas ka hadlay, isla markaana sheegay inay la noqonayaan go’aan ah Somaliland halla aqoonsado, waxaanu yidhi; “Waad aragteen oo idinka waxaad leedihiin gooni-isu-taaggu waa muqaddas, annagana waxaan leenahay midnimadu waa muqaddas, waxa la idiinku dhaggan yahay waxa weeye waxtarkaad leedihiin, la idinkama maarmo, mana kala maarmayno. Balse maaha haddaad gooni-isu-taagtaan inaan kala tagnay maaha. Laakiin, waxaa qurux badan in laga baaraan-dego. Wadahadalkii ugu horreeyey ee Odayaasha Dhaqanku yeeshaan kani waa koow, laakiin dawladuhu wax bay wadeen. Balse waxaan sheegaynaa oo aan ognahay ama ay xaqiiqadu tahay waa in rabitaanka Somaliland la tix-geliyaa, waa in la hirgeliyaa horta.”
“Haddii Illaahay yidhaahdo tashi wayn bay u baahan tahay, koonfur baan ku noqonaynaa, markaan ku noqonno dhiggeenna nala midka ah, Bulshada iyo Shacabka oo aan ku beernay sida halkanba loogu beeray (gooni-isu-taagga) midnimadu waa muqaddas oo si aydaan u go’in aan daraaddeed u yeelnay waa inaan ka bixinno oo aan nidhaahno dadkaasi (Somaliland) waa dad wax qabsaday, dad soo socdana maaha ee walaalnimadu waxay ku jirtaa in loo qaddariyo, toodana loo yeelo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Digil iyo Mirifle Milaaq Ibrow.
Milaaq Cabdikariin Ibraahin Ibrow oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku ladhay oo yidhi; “Waayo? Ma rabno wax dheellimanaya ama meelahan laga soo qaado, waanan heli doonnaa Insha Allaahu, annaguna go’aan waan gaadhnay intaan aragnay, markaannu noqonnana go’aan fiican baad maqli doontaan, waanan idin garab-taagannahay waxay noqoto, waxaanan leenahay waa muqaddas ee halla oggolaado (Somaliland).”
Sidoo kale, Amiir Odawaa Shahaad Maxamuud oo ka soo jeeda Beelaha Sade, ayaa kulankaas ka hadlay, isla markaana sheegay inay arkeen ummad mid ah oo ku midaysan midnimada, wada-jirka iyo gooni-isu-taagga Somaliland, waxaanu yidhi; “Somaliland cimrigay jirto iyo halkay taagan tahay maanta aad bay u kala duwan yihiin, wakhtigeedu wuu gaabnaa, laakiin siday isu habaysay iyo siday tahay Maskaxdayada way ka waynaatay, ma qarin doonno waxaan aragnay iyo waxaan maqalnay midna. Annagu waxaannu aragnay, waxaannu maqalnay iyo waxaad noo dhiibtaan ee hadal ah intaba waan geynaynaa Insha Allaahu.”
“Waxaannu ku geynaynaa dad wax qabsaday oo dhaqankoodii wax ka qabsaday, oo siyaasaddii wax ka qabsaday oo midnimadoodii mideeyey oo ay ka go’an tahay Somaliland inay gooni isu-taagto, markaannu aragnay Gabdhihii, markaan aragnay Salaaddiintii, markaan aragnay Siyaasiyiintii, markaan aragnay Mucaaridkii, markaan aragnay Siqiir iyo Kabiir, Curdin iyo Cirroole, in lagu ababiyey oo lagu habay Carruurtii hadda dhalatay gooni-isu-taagga Somaliland, arrintaasi Irbaddii la malaynaayey markii hore inay Sun ahayd, tii daawada ayaannu idiin marinaynaa oo tii dawada ayaannu geynaynaa haddii Illaahay yidhaahdo. Anigu waxaan ka imi meesha Soomaaliya ugu dambaysa ee Gado, Insha Allaahu waanan geyn doonaa waxaan arkay, waxaan maqlay iyo waxa nala faraba.” Sidaa ayuu yidhi Amiir Odawaa Shahaad Maxamuud.
Amiir waxa uu u soo jeediyey Odayaasha Dhaqanka Somaliland, inay ka taageeraan oo ay Soomaaliyana wax kala qabtaan siday iyagu wax u qabsadeen ee ay isu waafajiyeen nabadaynta, hoggaaminta dhaqanka, hirgelinta nidaamka dawladeed ee dhismihiisu dhinaca dhaqanka ka soo bilaabmay, taasoo uu sheegay inay Somaliland kaga duwan tahay Soomaaliyada kale.
Waxaa sidoo kale isaguna kulankaas shalay ka hadlay Guddoomiyaha Beelaha Direed ee Soomaaliya Axmed Maxamed Bare oo loo yaqaanno Macallin Bare, “Reer Somaliland-noow Qorraxda oo Sagaalkii Subaxnimo halkaas taagan Sacab laguma qarin karo, annagu waxa aannu aragnay ee idinku aad qabsateen waxa weeye qoraxdaas oo kale, mana qarin karno annagu waxaad qabsateen iyo waxaad rabtaan toona. Siyaasiyiintiinna waxaan u malaynayaa Madaxweyne Siilaanyo ayaa ugu weyn, dhaqankiinnana Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, dadkiinna Ninka ugu weyn iyo ninka ugu yar hal boorigaam baad ku xidheen, annaguna inaannu barnaamij oo kale inaan annagana dadkayaga ku xidhno weeye. Banaamijkaa aad dadka ku xidheen ee aad noo dhiibteen inaan annagana dadka ka gadno oo idinkuna aad ku faa’iiddaan annaguna aan sharaf ku helno ayaan rabnaa.”
“Annaga waa markii ugu horreysay ee Odayaal Dhaqan oo Soomaaliyeed isa soo abaabulaan oo ay halkan yimaaddaan oo reer Somaliland waxa ay rabaan inay weydiiyaan ay u yimaaddaan. Waxan isii iyo wixii hoo horta iskuma xigaan, annaga dad bay taladu naga dhaxaysaa. Reer Somaliland taladoodu hal qof kama go’do ee dhammaantood bay ka go’daa siyaasiyiintooda, dhaqankooda iyagoo isku duuban bay ka godaa.” Guddoomiyaha Beelaha Direed ee Soomaaliya Axmed Maxamed Bare oo loo yaqaanno Macallin Bare,
Macallin Bare waxa uu intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Annaguna Odayaal dhaqan baan nahay waxaad noo dhiibteen wixii aad rabtaan annaguna aannu 23 sano maqlaynay inaad hesheen Insha Allaahu xoogga ayaannu saaraynaa, Illaahay-na ha innoo kaalmeeyo. Waxaan rabnaa wadahadalka Dhaqanka ee annagu aannu bilawnay si uu u midha-dhalo oo natiijada reer Somaliland rabaan uga soo baxdo waxaan codsanayaa in la sii wado.”
“Waxa ayaamahan Suuqa laga sheegayay in annaga dawladda Somaliland ay na keentay, annaga dawladda Somaliland nama keenin ee waxaan ka codsannay dalkeeda inaan soo galno, rabitaankeedana kumaannaan iman, waxaan ku nimi rabitaankayga iyo codsi annagu aan keensannay oo dalka inaan nimaadno oo Madaxda Dhaqanka is-aragno ayaan codsannay, dawladduna way naga oggolaatay, markaa dadka iyo dawladda yaan la isku dirin, dawladduna imashadayada ay oggolaatay dembi kuma laha.” Sidaa ayuu yidhi Macallin Bare.
Macallin Bare waxa uu sheegay inaanay jirin wax dhibaato ah iyo dirir ama diidmo soo kala dhex-gashay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya ka yimi Arbacadii hore oo tiradoodu ahayd 45 Oday, hase ahaatee ay duruuf ka soo cusboonaatay Muqdisho Odayaasha qaarkood u noqdeen. Waxaanu yidhi; “Dad baa yidhi Odayaasha Soomaaliya ka yimi way is-dirireen, annaga ismaannaan didirin, dad baa naga noqday, duruuf soo korodhay oo dalkaan ka nimi ka soo cusboonaatay daraaddeed bay u noqdeen, markaan noqonnana waan kala war-qaadanaynaa, taasna waxaan rabaa inay dadka Somaliland ogaadaan. Dhaqankayaga Soomaaliya inta Muqdisho joogta ee dawladda hadda jirta dhistay waa boqol, soddon iyo shan (135) marka gobollada laga reebo, 135-kaas baannu waxaad rabtaan u geynaynaa haddii Illaahay yidhaahdo.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment