Sunday, May 18, 2014

Somaliland Oo Gebi ahaanba Si Weyn Looga Xusay Maalinta 18-ka May iyo Shucuurtii Shacabka

Hargeysa:May,18,2014(Himilo)-Waxa Gebi ahaanba Gobolada iyo Degmooyinka kala duwan ee Somaliland si fiican uga dhacdauy Munaasibadda 18-ka May oo ku beegnayd maanta oo Axad ah.

beelMagaalo-madaxyada Somaliland, Sida Hareysa, Borama, Berbera, Buro, Laascaanood, Saylac, Gabliye, Odoweyne, Balligubadle, Ceerigaabo iyo Goobo kale oo aad u fara badan ayaa saaka shacabka ku dhaqani ay u dareereen munaasibadda 18-ka May, iyadoo Xubno kala duwan oo xukuumadda ka tirsanina ay kala qayb qaateen.

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa ahayd Goobtii shacabka ugu badani iskugu soo Baxeen, isla-markaana uu Madaxweyne Siilaanyo la hadlay kumanaan ka mid ah shacabka oo isku soo Baxay.

Ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland ayaa dabaal-degyo la yaab leh ku maray Caasimadda Hargeysa, iyadoo ay dadweyuhuna markhaati ka  ahaayeen Gaardis iyo Gaaddo-ka-ciyaar ay sameen.

Magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland ayaa sidoo kale ciidanku  dagaal-degooda ku  sameeyeen, iyadoo Magaalada Boramana uu Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland shacanka kala qayb qaatay Xuska Maalintaas.

Wararka aanu ka helayno Gobolada kale ee Somaliland ayaa sheegaya in Shacabka oo mucaarid iyo muxaafidba isku duubani ay si xamaasad leh u camireen Waddooyinka waaweyn ee Dalka, iyagoo yar iyo weyn-ba ku soo Labistay Astaanka qaranimada Somaliland ama Calanka.

Carruurta da’da yar ayaa si weyn ugu soo Labisatay Calanka Somaliland, iyadoo Shacabka  gaar ahaan Haweeenku ay si weyn ugu labisteen Calanka dalka Somaliland.

Sanadkan ayaa sanadkii hore kaga duwanaa iyadoo ay shacabku qabaan waxoogaa Yididiilo ah oo ah in  Golaha Degaanka Bristol ay aqoonsadeen Somaliland, isla-markaana Calanku Haatan ka dul babanayo Barxadda Hore ee Golaha Degaanka Bristol.

Caawa ayaa lagu wadaa In munaasibad weyn lagu qabto aqalka madaxtooyada Somaliland, iyadoo sidoo kalena Jaalliyadaha kala duwan ee Somaliland eek u dhaqan Waddamda yurub iyo ameerika ay munaasiaddan si weyn u xusi doonaan, isla-markaana ay kala qayb geli doonaan Xubno ka tirsan xukuumadda oo haatan la joogaaa.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment