Waxa uu Madaxweyne Siilaanyo Xukuumadda Somalia u soo jeediyey inaanu wakhtigu dhaga dhicin inay indhaha u soo jeediyaan dhinaca Somaliland, isagoo u bayaayimiyey in shacabka reer Somaliland ay si wada jir ah u tashadeen.“Waxaan Sigaar ah hambalyo ugu dirayaa geesiyaasha qaranka qaybahooda kala duwan ee hadh iyo habeen heeganka ugu jira Difaac Qaranimada somaliland,mudo dhawr iyo labaatan sanadood ah ayaa kasoo wareegtay markii qarankani lasoo noqday madax banaanidiisa taas oo lasoo galay halgan naf iyo maalba leh,halgankaasi maaha mid dhamaaday waana mid socon doona ilaa inta laga xaqiijinayo hadafka iyo himilada dhabta ah inta laga xaqiijinayo oo ah aqoonsi aynu ka helno caalamka kana mid noqono beesha caalamka,Xoriyada aynu neecawdeeda ku laydh-sanayno maaha mid ku Timid hanyari iyo hadyad toona,balse waxa u dhintay kumanaan waxaana u barakacay Boqolaal Qof,waxa la isku hawlay sidii looyagleeli lahaa qaran xor ah oo qol-qolkiisa laga qodax tiray Awood Dawladnimo oo la isku adeegsado,Digtaateerinimo,” ayuu yidhi Madaxweyne siilaanyo.
Madaxweynaha ayaa fariin cod dheer u diray dhinaca Somalia, taas oo uu ku sheegayo Mawqifka shacabka reer Somaliland Gaadheen, waxana uu yidhi, “Hadii dadka qaar caad iyo ciiro ka saran tahay,waxaan u cadaynaynaa in goni isutaaga somaliland Baarka ka gooyay 23 Sannadood oo gow ah,isla markaasna aan lahayn wax cay iyo caadifada ah,Markaasn kani waxa uu yahay go’aan gaamuray oo ka turjumay go’aanka dhabta ah ee shacabkiisa,sidaas darteed qadiyada somaliland maaha mid gorgortan lala gali karo,mudo kasta oo ay qaadanayso meel marinteeda dadkani waxa ay diyaar u yihiih in ay u dhabar adaygaan dhiig horlena u daadiyaan,dhamaan waxa guulaystay shacabka somaliland oo dhan guushuna waa galada usoo wada hoyatay,inkasta oo ay nasoomareen duruufooyin adag hadana umada ahaan waynu guulaysanay.”
Sidoo kale madaxwaynaha somaliland ayaa waxa uu ka waramay Siday ay somaliland madax dhaqmeedku usoo dhiseen iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay waxaana uu yidhi,
“Waxa aynu Dhidibada utaagnay dhaqan iyo dawladnimo ku dhisan dhaxalkii awow-yaasheen,nabad-galiyo ,Dhawrista xuquuqda iyo nidaam soo jireen ah,doorashooyin xor oo xalaal ah duniduna inagu majiirato,waxaanan soo dhawaynayaa dhaliilaha xukuumadayda waxaanan balan qaadayaa inaan gufeeyo,waxaan Diyaar u ahay inaan dhug u yeesho Tix galiyana talooyinka taabagalka ah ee golayaasha asxaabta qaranka,waxaan shacabkayga sharafta leh usoo jeedinayaa in ay ilaashadaan nabad galiyadooda,waxaan beesha caalamka ugu baaqayaa intaanu wada shaqaynta leenahay in ay tageeraan go’aanka iyo gooni isutaaga shacabka reer somaliland,xukuumadaydu waxa ay sii xoojin doontaa wada shaqaynta ay la yeelan doonto beesha caalamka.”
Madaxweynaha Somaliland ayaa Khudbaddan u jeediyey Malayiin Reer Somaliland ah oo u qiiraysan sidii ay u muujin lahaayeen Maalinta ugu qaalisan noloshooda ee ay aayahooda ka tashadeen.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment