Saturday, May 3, 2014

Tahriibayaal siyaabo kala duwan loogu badbaadiyey Badda Talyaaniga iyo Saxaaraha Suudan




Rome/Khardoum, 03 May, 2014 (Himilo)- Muhaajiriin tiradooda lagu qiyaasay 1,500 oo isugu jira rag, dumar iyo carruur, ayaa siyaabo kala duwan noloshooda loogu bad-baadiyey iyaga oo ku safraya biyaha badda u dhaxaysay Afrika iyo Yurub iyo sidoo kale Saxaaraha u dhexeeya dalalka Sudan iyo Liibiya.


TAHRIIBAYAALLaba doonyood oo ay saarnaayeen 690 qof oo magangelyo-doon ah, ku xidhay xeebaha dalka Talyaaniga maalintii Khamiista ee todobaadkii hore, ka dib markii ciidamada Badda ee Talyaanigu bad-baadiyeen. 


Tahriibayaashan ayaa la sheegay in badankoodu ahaayen dhalinyaro da’doodu ka yar tahay 18 sanno-jir, iyadoo ay ku jireen Tiro badan oo Haween uur leh, kuwaas oo saarnaa Doonyo cidhiidhi ah oo dadka la isku dul raseeyey.


Sidoo kale, markab ciidamada Talyaanigu iska leeyihiin oo ku jeedey magaalada Palermo ee Koonfurta dalka Talyaaniga, ayaa badbaadiyey 400 qof oo Tahriibayaal ah, kuwaas oo naftoodu khatar ku jirtey.


Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga ayaa ka digtey musiibo qaxooti oo dalkaasi ku dhacdo,  iyadoo shaki weyn ka qabta tirade xad-dhaaf ah ee soo gelaysa Dalka Talyaaniga.


 Tan iyo Bilowgii sanadan 2014-ka, in ka badan 22,000 kun oo qaxooti ah ayaa lagu qaabiley dalka Talyaaniga, waxaana ay 10 jeer ka badan yihiin kuwii sanadkii hore lagu soo dhaweeyey Dalkaasi.


Dhamaan qaxootiga gaadhey dalka Talyaaniga ayaa si tahriib ah ku tegey halkaas iyaga oo doonyo yar-yar ka raacey Xeebaha Waqooyiga Afrika gaar ahaan Liibiya iyo Tuuniisiya, waxaanay dadkaas badankoodu isugu jiraan Soomaali iyo Carab u dhalatay dalalka Masar iyo Suuriya oo kacdoonno shacab ka jiraan.


Dhinaca kale, muhaajiriin tiradooda gaadhayso 310 ayaa nolol lagu soo badbaadiyey, halka sagaal qofna ku geeriyoodeen iyaga oo ku safraya saxaaraha u dhexeeya dalalka Sudan iyo Liibiya, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada dalka Sudan.


Tahriibayaashan oo laga soo badbaadiyey xuduudka u dhexeeya Sudan iyo Liibiya ayaa la geeyey saldhig ciidan oo ku yaala magaalada Dengola ee Woqooyiga dalka Suudaan, halkaas oo gurmad caafimaad loogu fidiyey, balse dadka intoodii tamarta darneyd ay la soo gudboonaatay caafimaad-darro, kuwaas oo xaaladdooda nololeed laga dayriyey.


Muhaajiriinta la badbaadiyey, ayaa la sheegay inay u badan yihiin Soomaali iyo Eretariyaan, halka sidoo kale ay ku jiraan dad u dhashay waddamada Nigeria iyo Sudan.


Himilomedia.com           


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment