Muqdisho, 03 May, 2013 (Himilo)- Warbixin ay si wada jir ah u soo saareen Hay’adda wax ka qabashada xaaladda Cuntada iyo nafaqo-darrada ee (FSNAU), Hay’adda Beeraha u qaabbilsan Qaramada Midoobey ee FAO iyo Laanta ka digta Abaaraha ee (FEWS NET), ayaa ku qiyaasay in 857,000 oo qof oo Soomaali ahi ay ku jiraan xaalad halis ah oo u baahan in si deg-deg ah looga jawaabo.
Hay’adahan ayaa tilmaamay in dadka tiradooda ku qiyaaseen Siddeed iyo toddoba iyo konton kun oo Soomaali ah oo ku nool Soomaaliya iyo Somaliland ay u baahan yihiin gargaar Bini-Aadamnimo oo dhaqso ah laga bilaabo bisha June ee sannadkan 2014 ka. Kuwaasoo ku kala nool gobollada Koonfurta, Waqooyi-Bari, badhtamaha Soomaaliya iyo sidoo kale Somaliland.
Heerka nafaqo-darrada ayaa gaadhay meel halis ah, goobaha Miyiga ah qeybo badan oo ka mid ah Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya iyo meelaha ay ku sugan yihiin dadka ku barakacay gudaha, sida lagu sheegay natiijo ka soo baxday kormeer la sameeyay intii u dhexeysay bishii November ee sannadkii 2013-ka iyo bishii January ee sannadkan 2014-ka, taas oo lagu ogaaday in qiyaastii 203,000 oo Carruur ah oo ka yar 5 sano inay macaluuli hayso, sida warbixinta lagu xusay.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in 51,000 oo ka mid ah Carruurtaasi ay halis aad u sareysa ugu jiraan inay dhintaan. Marka loo eego sida ay sheegtay laanta biyaha iyo dhulka ee hay’adda FAO, Roobabka xilliga gu’ga oo bilaaban jiray badhtamaha bisha March inay dib u dheceen, sidoo kalena aanay di’in bishii April.
Qoraalka ayaa lagu xusay labada wabi ee caawiya beerashada dalkaasi Soomaaliya ee kala ah Juba iyo Shabeelle, ayaa la sheegayaa inay aad uga hooseeyaan xaddigii laga rabay. Hal mitir ayey biyaha ka hooseeyaan sanadkan marka loo eego sanadkii hore heerka ay ahaayeen.
Sannadkan, qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya waxaa ka bilowday in dadka ay u diyaar-garoobaan inay dalag beertaan, marka uu da’o Roobka gu’ga, in kastoo goobaha dagaallada sida Hiran iyo Shabellaha hoose aanay dadku marna diyaar u noqon abuurashada Beeraha.
Qoysaska sabool ka ah ee Beeraleyda iyo Xoolo-dhaqatada ah ayaa Deyrtii la soo dhaafay ka helay Beeraha dalag yar oo galley u badneyd, waxaana suuragal ah inay helaan wax ay ku iibiyaan saaqyada illaa bilaha July iyo August ee sannadkan 2014.
Dib-u-dhaca sii socdo ee Roobab ka xilliga gu’ga, waxay dhallin kartaa inay sare u sii kacdo dhibaatada macaluusha, ee ka taagan gobollada Waqooyi Bari, Waqooyi Galbeed iyo Koofurta iyo badhtamaha Soomaaliya. Dhibaatada ugu daran ee macaluusha ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto gobollada Jubbooyinka iyo Shabeelle oo ay aad u liidato adeegyada caafimaad ka ee ay heli karaan dadka ku nooli.
Sidoo kale, warbixinta ay sida wada-jirka ah u soo saareen qaar ka mid ah Hay’adaha Soomaaliya ka shaqeeya, ayaa lagu sheegay in dagaallada ka dhacayay Soomaaliya bilihii ugu horreeyay ee sannadkan inay xaaladda sii cakireen. Waxaanay dagaalladaasi natiijo u noqday in ay dhintaan ama dhaawacmaan dad badan oo rayid ahi.
Sida lagu sheegay war ay UNHCR soo saartay, 50,000 oo qof ayaa gudaha dalka Soomaaliya ku barakacay afartii bilood ee ugu horreysay sannadkan 2014-ka. Howlgalada melleteriga ee socda iyo cagajugleynta kooxaha hubeysan ayaa ah sababta ugu weyn ee dadkan ay ka qexeen, sida ay warbixinta xustay.
Waxaa intaasi dheer, qiimaha cuntada caadiga ah ayaa sare u kacay boqolkiiba 25, halka raashiinka daruuriga ah uu sare u kacay boqolkiiba 40 illaa 50. Haddii ay dagaalladu xoogeystaaan bilaha May iyo June, waxaa adkaan doonta in dalag laga helo Beeraha, xittaa haddii ay Roobabku da’aan, waxaana sii xumaanaya xaaladaha bini’aadannimo ee hadda ka jira Soomaaliya oo dhan, waxaana laga yaabaa in Carruur badani ay u dhintaan macaluul iyo gaajo, sida ay ku qoreen warbixintan hay’adihii soo saaray..
Si kastaba ha ahaatee, rejada ugu weyn ee dadku waxay ku tiirsan tahay Roobabka oo la helo, bishan May iyo illaa besha dambe ee June oo si joogto ah ay u da’aan Raxmaadka Eebbe, inkasta oo ay immikaba roobabku ka curteen deegaanno Somaliland iyo Soomaaliya-ba ka tirsan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment