Wednesday, May 14, 2014

Turkiga oo Baahiyey Lacago Kaash ah oo Bil Walba ay Si Toos ah Farta Uga Saaraan Dawladda Xasan Sheekh

Stanbul:May,14,2014(Himilo)-Wasiirka arimaha Dibada dowlada Turkey Ahmet Davutoglu ayaa sheegay in Lacagta Deeqaha ah ee ay siiyaan Soomaalia ay si toos ah usiiyeen Madaxda Sare Ee Dawladda, iyadoo sababtuna tahay inuu jirin wax B  aan ah oo dalkaasi leeyahay.

turWasiirka ayaa xusay in dawladdiisa ay Bil kasta Siiso Dawladda Xasan Sheekh Lacag Gaadhaysa 4.5 Milyan oo doolar, Taas oo si toos u socotay ilaa iyo Sanadkii 2013.

Waxa uu sheegay wasiirka arimaha dibada Turkey in taasi ay uga gol leeyihiin mashaariicda kala duwan oo ay ka fulinayaan dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dhaqaalahaasi uu ku dhaco gacanta dowlada.

“Ma jiro dhaqaale kale oo gargaar ah oo aan Siino Soomaaliya marka taasi laga reebo “, sidaasi ayuu yidhi wasiirka arimaha dibada Turkey.

Dhaqaalaha ayuu sheegay inay ku dhacaan gacanta masuuliyiinta dowlada iyadoo loo marsiinayo safaarada dowlada Turkey ay ku leedahay dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dhaqaalahaasi ay si toos ah uga soo baxdo bangiga dhexe ee dowlada Turkey.

“DHaqaalahaasi waxaa bixintooda goob joog ka ah hogaamiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, wasiirka arimaha gudaha iyo maaliyada Soomaaliya, saxeexooda ayaana lagu bixiyaa” ayuu hadalkiisa kusii daray wasiirka arimaha gudaha ee Turkey.

 

 Himilo Media

No comments:

Post a Comment