Wargeyska Soo Baxa Kenya oo lagu magacaabo Star, ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku faraxsanayn qunsullo ay u magacowday deegaanno ka tirsan Somalia iyo Somaliland taasoo uu ku sheegay wargeysku inay arrintan xiisad ka dhex-abuurtay Kenya iyo Soomaaliya.Star ayaa cinwaan uga dhigay warbixintiisa [Kenya waa inay tixgeliso inay ka baxdo Soomaaliya] iyadoo warbixinta uu hordhac uga dhigay in u yeedhiddii ay u yeedhay Kenya safiirkeeda Soomaaliya bishii hore ay tahay su’aal taagan.
“Qunsulka ay dowladda Kenya u magacowday Kenya waxay kicisay Soomaalida. Iyadoo Soomaalidu ay u arkeen in Kenya ay kusoo duushay dhulkooda,” ayaa lagu yidhi warbixinta uu daabacay wargeyska, iyadoo Wargeysku isku qaaday Safiirrada Kismayo iyo Hargeysa.
Warbixinta ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya aanay ku faraxsanayn wafdi ay Kenya u dirtay Hargeysa, si ay ugala hadlaan in qusul ay u magacowdo Somaliland iyo kulamo tiro badan oo ay la yeelatay Madaxda Sare ee Somaliland.
“Danjire Maxamed Cali Nuur wuxuu kusoo laabtay Kenya, isagoo sheegay inay dowladda Kenya raalli-gelin ka bixisay xadhigii qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya,” ayaa sidoo kale lagu yidhi warbixinta.
Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ay qayb weyn ku lahaayeen qabsashadii magaalada Kismaayo ee bishii September 2012-kii, iyagoo ay ka barbar dagaalamay xoogagga kooxda Raas-kambooni.
Wargeyska Star oo soo xiganayay mas’uul aanu magaciisa la xusin ayaa sheegay in xiisadda hadda ka oogan Somalia iyo Kenya ay tahay mid la xalin karo, isagoo ku tilmaamay xiisaddan mid xasaasi ah.
Sharci ahaan dalalka Afrika uma diraan ciidamadooda dalalka ay dariska yihiin si looga fogaado in dowladda kale ay u aragto in dalka ay dariska yihiin uu fara-gelin ku sameynayo arrimahooda gudaha.
Inkastoo dowladda Soomaaliya ay dhowr jeer dalbatay in ciidamada Kenya laga saaro Koonfurta Soomaaliya, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay la safteen mid ka mid ah kooxihii ku dagaalamay awoodda Kismaayo, inkastoo xiisaddan goor dambe xal loo helay.
Arrintan ayaa u muuqata Farogelin ay Somalia wali ku hayso Arrimaha Somalia, iyadoo ay wali ka hadlayso Horumarka diblomaasiyadeed ee ay samaynayso.
No comments:
Post a Comment