Wasiir Maxamed Cabdilaahi Oo Maanta Cigaal international Airport ugu warramayey Warbaahinta ayaa sheegay in isaga iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ay ka qayb galeen shir caalami ah oo lagu qabtay Waddanka Nigeria, kaas oo lagaga hadlayey arrimaha dhaqaalaha caalamka.Wasiirka oo ugu Horrayn sharraxaad ka Bixinaya Shirka ay ka qayb galeen, ayaa yidhi, “Waxanu ka qayb galnay Shir caalami ah oo lagu qabtay Magaalada Abuja ee Dalka Nigeria oo lagaga hadlayey Horumarinta dhaqaalaha caalamka, Sanadkan-na waxa diirrada lagu saarayey Horumarka Afrika iyo Dhibaatooyinka horyaalla sidii wax looga qaban lahaa, Afrika-na waa qaarad dhaqalaheedu si xoog ah u korayo, laakiin dhibaatada Afrika haysata ayaa ah inaan la yarayanin Farqiqa u dhexeeya dadka Xoolaha leh iyo kuwa aan Waxba Haysan iyo shaqo abuurka dhallinyarada.”
Waxa kale oo uu wasiirka Tilmaamay in shirkaasi ahaa mid Somaliland fursad fiican u ah, isla-markaana ay halkaas ku bandhigeen Fursadaha Maal-gashi ee Halkan ka jira, waxana uu yidhi,
“ilaa lixdan dal iyo shirkado waaweyn oo ganacsi ayaa ka soo qayb galay, waxana noo suurtogashay aniga iyo wasiirka Arrimaha Dibadda inaanu kulamo gaar ah la yeelano Hoggaamiyayaal iyo shirkado waaweyn oo dunida ka sofday, isla-markaana aanu soo bandhigay siyaasadda dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka si loo jiito Maal-gashadayaal caalami ah.”
Wasiirka ayaa muddooyinkii loo dhiibay Wasaaradda Ganacsiga Geliyeye Dedaal uu bulshada caalamka ugu soo xidhayo Somaliland, waxana uu shirar joogto ah kaga qayb galaa waddamo badan oo dunida ku yaalla.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment