Hargeysa:May,14,2014(Himilo)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday Agaasimihii Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr.Maxamed Maxamuud (Cagaweyne).
Sidoo kale waxa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha loo Magacaabay Agaasime Cusub oo Magaciisa lagu sheegay Dr Jaamac Maxamed Odowaa.War-saxaafadeed ka soo Baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in xilkii uu hayey laga qaaday Agaasime Cago-weyne oo muddo dheer la soo shaqaynayey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
War-saxaafadeedka Xilka lagaga qaaday Agaasimihii Guud ee Xannaanada Xoolaha Dr Cagoweyne, isla-markaana lagu magacaabay Midka Cusub, Waxa ku Saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, waxana uu u dhignaa sida.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2493/052014 uu xilkii kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha isla markaana waxa uu Madaxweynuhu wasaaradaasi u magacaabay Agaasime Cusub.
MADAXWEYNUHU:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL; Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso; Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan; Wuxuu go’aansaday In Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Xil-ka Qaadis Mudane, Waxa aan kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL. Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.
Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
No comments:
Post a Comment