Monday, May 19, 2014

“waxaan leeyahay dalku maanta waxa uu ubaahan yahay dhalinyaro fir-fircoon laba nin oo raq ahina na xukumi maayaan anaga” Xasan Guure

Hargeysa:May,19,2014(Himilo)-Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta qaranka Xasan Guure Jaamac ayaa ka Hadlay Xaaladda Guud ee Dalka iyo Muddo-kordhin uu sheegay inay Suurto gal tahay in madaxweyne Siilaanyo la siiyo.

ina guureXasan Guure oo Saxaafadda u warramayey ayaa sheegay, inaanay wax la aqbali karo ahayn in muddo-kordhin sharciga baal marsan loogu deeqo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, isagoo ku dooday in Golayaasha sharciga ee kale ay dhammaantood sharci-darro ku fadhiyaan,

“Waxaan maqlayaa in madaxwaynaha somaliland loo kordhinayo 2-sannadood,Golaha wakiilada waxa ka dhacay wakhtigii,Golaha guurtida Iyana sidoo kale haduu isna maanta  ka dhaco Madaxwayne Siilaanyo,cidda u jadiidinaysa waa kuma,” ayuu yidhi Xasan Guure, waxana uu isagoo Hadalkiisa sii wata intaas ku daray,

“waxa uu kolay isku halaynayaa Guddoomiyaha golaha guurtida ana waxaan leeyahay saleebaan dhaqanka wuu yaqaan,shaanbada ay laba nin oo ilmaadeer ah oo labaduba raq-yihiin shaanbad ay iskugu  dhufteen anagu aqbali mayno cid lagu dhaqayaana anigu garan maayo,waxaan leeyahay dalku maanta waxa uu ubaahan yahay dhalinyaro fir-fircoon laba nin oo raq ahina na xukumi maayaan anaga,meeshuna waadh maaha odayaasha raqda ah lagu xanaaneeyo.” Ayuu yidhi.

Mujaahid xasan Guure ayaa dhinaca kale shacabka reer Somaliland ku Hambalyeeyey Munaasibadda 18-ka May, isagoo farta ku fiiqay in shacabku wax badan qabsadaay, isla-markaana gaadhay Heer ay u qalmaan Ictiraaf  caalami ah.

Mujaahid Xasan ayaa sheegay in Guddoomiyaha Guurtida Somaliland uu Haatan Gaadhay heer ay ku Haboon tahay inuu iska nasto, maadaama aanu Xaalad Caafimaad dalka u wada Joogi Karin muddo bil ah sida uu Hadalka u dhigay.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment