Monday, May 19, 2014

Kenya Oo Ku Daba-jirta Shakhsiyaad Looga Shakisan yahay Inay Ku Lug Lahaayeen Qaraxyadii Dhawaan Nairobi ka Dhacay

Nairobi:May,19,2014(Himilo)-Ciidamada Ammaanka Dalka Kenya ayaa Dabagal ku haya shakhsiyaad looga shakiyey inay ka  dambeeyeen Qaraxyadii dhawaan ka dhacay Magaalada Nairobi, kuwaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 12-qof in ku dhaw 100-qofna ku dhaawacmeen.

einSaraakiil ka tirsan booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay heleen xogo la xidhiidha qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka Kenya, iyagoo sheegay in laamaha sirdoonka ay la kaashanayaan baadi goobka dadkaasi.

 

Qaraxaaasi oo ka dhacay suuqa Gikomba oo 2 Kilometer dhanka bariga kaga beegan badhtamaha magaalada Nairobi ayaa la sheegay inuu qaraxii labaad ee ugu khasaaraha badnaa ee todobaad gudahiis ka dhaca dalkaasi Kenya.

 

Afhayeen u hadlay isbitaalka Qaranka dalka Kenya ee Kanyatta Natiobal Hospital ayaa sheegay in qaraxii labaad uu ahaa mid ka dhex dhacay gaadhi dhexdiisa oo ay ku dhinteen saddex maalin ka hor dad gaadhaya 8 ruux, inka badanna ay ku dhaawacmeen.

 

Dowlada Kenya ayaa la kulantay qaraxyo iyo weeraro kala duwan waxii ka dambeeyay markii ciidamadooda ay usoo talaabeen dalka Soomaaliya bishii October sanadkii 2011.

 

Waxaana Alshabaab ay sheegteen masuuliyada weerarkii dhimashada badan sababay ee Westgate ka dhacay bishii September sanadkii 2013, kaasi oo ay ku dhinteen inka badan 60 ruux.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment