Saturday, May 17, 2014

Xukuumadda oo ka hadahay Qorshe Wax-soo-saarka Beeraleyda Dalka lagu gaadhsiinayo Heer Caalami

-        Halkee bay ku dambeeyeen Heshiiskii Haamaha Shidaalka Berbrera iyo Siyaasaddii Xukuumadda ee Kala-xadaynta Ganacsiga

WASIIRKA GANACSIGA - WARAYSI GAAR AH

Hargeysa, 17 May, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday qorshe kor loogu qaadayo wax-soo-saarka iyo tayada saraca ay soo saaraan Beeralayda Somaliland iyada oo loo raadinayo maal-gashi looga helo hay’adaha iyo shirkadaha adduunka ee daneeya dhinaca horumarinta Beeraha oo caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan lagu tilmaamo dhaqaale la’aan haysata dadka beeralayda ah.

857Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah oo dhowaan magaalada Abuja ee dalka Nigeria kaga qayb-galay shir-sannadeedka Golaha Dhaqaalaha Dunida oo lagu marti-qaaday, ayaa sheegay in qodobbadii ugu muhiimsanaa ee shirkaas lagaga hadlay xukuumad ahaanna waayo-aragnimo uga korodhay ay ka mid yihiin caqadaha hortaagan horumar dhinaca wax-soo-saarka ah oo beeralayda qaaradda Afrika ku tallaabsadaan iyo sidii tallaabooyin wax-ku-ool ah oo xal u noqda loogu heli lahaa.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland waxa uu sidaas ku sheegay waraysiyo dhinaca kala duwan oo Wargeyska Himilo xalay ku yeeshay khadka telefonka, waxa kale oo uu ka hadlay siyaasadda wasaaraddiisa uga dejisan kala-xadaynta heerarka ganacsiga ee dalka oo uu hore u ballan-qaaday inay ku xakamaynayaan is-dhex yaaca ganacsiga dalka, waxaanu sheegay dhowaan inay hirgelinayaan qorshahaas marka ay dhammaadaan daraasado iyo shuruuc wasaaraddu u dejinayso oo xilligan gebo-gabo ku dhow.

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo waxa kale oo uu ka hadlay halka ay marayaan wada-hadallo loogu gogol-xaadhayey heshiisyo shirkado Ajaanib ah loogu wareejinayo maal-geshi ay ku sameeyaan Dekedda Berbera iyo Haamaha Keydka Shidaalka.

Waraysiga Himilo la yeeshay Wasiirka Ganacsiga, ayaa u dhacay sidan:-

Ugu Horeyn, Waxaad faahfaahin naga siisaa muhiimadda uu lahaa shirka aad dhowaan ka qayb-gashay?

Jawaab:  Wuxuu ahaa shir lagaga hadleyey horumarka dhaqaalaha dunida oo sannadkiiba meel lagu qabto, sannadkan-na waxa xoogga la saaray qaaradda Afrika, waxaana lagaga hadlay sidii loo abuuri lahaa dhaqaale wada-gaadhsiisan qaaradda Afrika, in kasta oo dhaqaalaheedu tobankii sanno ee u dambeeyey kor u kacay, haddana dad wax haysta iyo kuwa aan wax haysani weli wuu sii kordhayaa, shaqo la’aanta dhalinyaraduna wuu sii kordhayaa, markaa waxa laysla qaatay sii loo heli lahaa dhaqaale la wadaago (Inclusive Economy) oo dadka wada gaadhsiisan.

Yaa Idinku Marti-qaaday ka-qayb-galka Shirka lagaga hadlay Dhaqaalaha Dunida?

Shirkan waxa abaabula oo sannadkii mar qabta Guddiga Dhaqaalaha Dunida (World Economic Forum) oo xaruntiisu tahay dalka Switzerland, markaa qoladaas baa nagu casuuntay, waxaana ka soo qayb-galay Kun ergo oo ka kala tirsan ilaa Konton dawladood.”

Waa Maxay Faa’iidada Somaliland uga soo baxday Shirkaas aad ka qayb-gasheen?

Laba Qodob ayaan isleeyahay way ugu jirtay Somaliland. Marka ugu horreysa, Somaliland waxa ay heshay fursad ay maal-qabeennada iyo maal-gashatada caalamka ugu soo bandhigto siyaasadda Somaliland ee maal-geshiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo aanu ugu sheegnay siday Somaliland ugu furan tahay maal-gashi dalka lagu sameeyo, Shuruucda iyo siyaasadda hagaysa iyo meelaha ay Somaliland uga baahan tahay maal-gashi lagu sameeyo.

Waxaanu soo aragnay in loo baahan yahay in wax laga beddelo qaabka Somaliland u aragto inay u maamusho beeraha. Waxaanu soo ogaanay in waddamo badan oo Afrika ku yaala oo Somaliland ku jirto in beeruhu u baahan yihiin in la caawiyo, dadka ka shaqeeyaana aanu dhaqaalahoodu ahayn mid buuran, waxaanu jecelnahayna in Somaliland laga hawl-galo in beeralaydu ay noqdaan shirkado ganacsi oo maal-geshi dunida ka heli kara.

Dhinaca maal-gashiga, waxa nooga soo kordhay qodidda shidaalka iyo soo-saarista Kheyraadka dhulka ku jira qudhiisa qaaradda Afrika casharro iyo dhibaatooyin fara-badan ayaa ka soo maray. Waxa nooga soo kordhay waayo-aragnimo aanu isleenahay waxbay noo tari kartaa sidii loo suuq-geyn lahaa, loo maamuli lahaa, loona hagaajin lahaa wax-soo-saarka xagga macdanta iyo shidaalka aanu filayno inay dalka ku jiraan.

Halkee buu Marayaa Wada-hadalkii dhinaca Maal-geshiga Dekedda Berbera ee Shirkadda Ballore?

Weli heshiis ma dhicin, waxa noo socda daraasadihii labada geesoodba ay is-weydaarsanayeen iyo hawlihii xagga farsamada u badnaa, markaa hawlahaasi waa qabyo oo weli may dhammeystirmin.

Haamaha Shidaalka Berbera ilaa Immika Xukuuumadda ayaa maamulkooda Gacan ku haysa, horena waxaad u shaaciseen tartan shirkado Ajaanib ah ama waddani u galayaan si loogu wareejiyo, halkeebuu ku dambeeyey qorshahaasi?

Markii hore, Haamaha Shidaalka waxa gacanta ku hayn jirtay Shirkaddii Total oo heshiis kula jirtay Xukuumadihii hore. Markii ay xukuumaddani cusubi dalka taladii la wareegtay 2010-kii, waxa uu madaxweynuhu xeer madaxweyne ku joojiyey heshiiskaa, waxaanu ku wareejiyey oo uu hoos keenay wasaaradda Ganacsiga ilaa inta qaab kale looga wareegayo inay xukuumaddu maamusho, xukuumaddana waxa uga masuul ah Wasaaradda Ganacsiga.

Immikana, waxa jira dhowr shirkadood oo aanu hadal la furnay oo aanu ku eegayno sida aanu u wada-shaqayn karno iyo waxa ay nagu soo kordhin karaan, taasina waa arrin farsamo oo weli qudhoodu socda.

Waxaad dhowaan xilka ka qaadday Maareeyihii Haamaha Shidaalka, ma khilaaf idin soo kala dhex-galay ayaa sababay xil-ka-qaadistiisa? Maxaase xilligan ku soo beegay?

Xilka dawladda iyo shaqadu waa meerto, kolba qof baa masuuliyadda haya, laakiin sabab gaar ah oo keentay ma jirto. Nidaamka dawliga ah ee lagu dhaqmo ayuun baa isbeddelkaa keenay, wax kale oo keenay ma jiro.

Hore waxa aad u sheegtay inaad Qorshe siyaasadeed iyo Shuruuc u dejinaysaan Kala-xadaynta Ganacsiga, Maxaa idiinka Qabsoomay? Goormaase aad hirgelinaysaan?

Waxaanu imika bilownay oo dhammaystir ku dhow siyaasaddii iyo Qorshihii hagi lahaa kala-xadaynta ganacsiga dalka oo aanu jecel nahay inaanu dhowaan ku dhaqaaqno sidii looga hawl-gelin lahaa dalka.

No comments:

Post a Comment