Saturday, May 17, 2014

Dawladda Itoobiya oo la tacaalaysa Ayax ku Habsaday Bariga Dalkaas

Addis Ababa, 17 May, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Itoobiya, ayaa shaaca ka qaadday  inay la tacaalayso Ajax Duullaan ah oo kaga yimi dhinaca Somaliland, kaas oo gaadhay ilaa caasimadda dalkaas ee Addis Ababa.

arton603838Saraakiil u hadlay wasaaradda Beeraha ee Itoobiya, ayaa sheegay in Ajaxa oo kaga yimi dhinaca Somaliland, uu wakhtigan ku fiday gobollada Bariga dalkaas, isla markaana ay bilaabeen hawl-gallo lagu buufinayo Ajaxa oo bilowgiisii lagu arkay deegaamo ka tirsan dawlad-deegaanka Soomaalida horaantii bishii March oo wax yar uun ka horreysay xilli-roobaadka ay beerlaydu bilaabaan tabaca Wax-soo-saarkooda.


Deegaanada laga bilaabay buufinta Ayaxa waxa ka mid yihiin magaalooyinka Dire-Dhaba, Jigjiga, Chelenko iyo Herero oo ah gobollada Bari ee Itoobiya xuduudka kala wadaagto Somaliland.

 

No comments:

Post a Comment