Badheedhaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Doodda Dr Macow
Hargeysa 01 April, 2014 (Himilo)- Wasaarada Caafimaadka Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta Dr. Cali Macow loogu ogolaan-waayey inuu hawlihiisa baadhitaan ee Caafimaadka ka bilaabo magaalada Hargeysa, waxaanay tallaabadan ku sababay ka dib markii ay soo baxday inay kala-duwan yihiin takhasuska Dr Macow iyo adeegyada Caafimaad ee uu dalka u yimi.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame, ayaa ku sheegay sababta loogu diiday Dr. Macow inuu hawlo caafimaad ka fuliyo dalka isaga oo aan buuxin shuruudahii loo baahnaa,
Agaasimaha Guud oo shalay u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa yidhi, “Go’aanka la soo saaray waxa weeye, markii baadhitaan badan lagu sameeyey shuruudaha u yaal dhakhaatiirta hawlo caafimaad u imanaya, waxa lagu ogaaday oo cadaatay inaan Dr. Cali Macow buuxin shuruudahii loo baahnaa, sidaa darteed, nasiibdaro waanu kala noqonay ogolaanshahii.”
Mar la weydiiyey Dr. Cismaan shuruudaha uu buuxin waayey Dr. Macow, waxa uu ku jawaabay, “Qof kasta oo hawlo caafimaad ka fulinaya dalka waxa jira urur Mihnadlayaasha Caafimaadka oo baadha shahaadooyinkiisa, markii la baadhayna waxa la ogaaday inaanu buuxin shuruudaha. Sida xayeysiiskiisa ku jirtay inuu yahay dhakhtar takhasus ku ah cudurada haweenka, waxa la ogaaday inuu yahay dhakhtar guud,” ayuu yidhi Dr Cismaan Xuseen.
Dhinaca kale, Dr. Cali Macow oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du wax ka weydiisay sababaha wasaaradda Caafimaadku sheegtay in loogu diiday, ayaa ku dooday inaanu ilaa wakhtigan garwaaqsanayn sababta loogu diiday inuu ka hawl-galo gudaha Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxa dhacay wax wanaagsan maaha, laakiin, waxaan leeyahay dhakhtarnimadayda iyo aqoonyada cid wax ka sheegi karta ma jirto. Ilaa haddana sababta inaan hawlgalo loo diiday ma garanayo.”
Mar la weydiiyey Dr. Macow in ururka Mihnadlayaasha Caafimaadku ku eedeeyeen inaanu takhasus xanuunada haweenka lahayn, uuna yahay dhakhtar guud, sidaana loo siin waayey ogolaanshaha inuu ka shaqeeyo dalka ayuu ku jawaabay, “Hadii sidaa la yidhi, siday ku suurtagashay inaan ka shaqeeyo dalka Jarmalka, dalka Ingiriiskana ka shaqeeyo, anigoo Soomaali ah. Ururka Mihnadlayaasha arji ayey iga buuxiyeen hore, imikana waxaan ogaaday in lay diiday inaan shaqeeyo,” ayuu yidhi Dr Macow.
Dr Macow oo ah Diktoor Soomaaliyeed oo ka hawl-gala waddamo Yurub ku yaala, ayaa magaalada Hargeysa isaga diiwaangeliyeen dad ku dhow laba Kun oo Qof, ka dib markii muddo todobaaddo ah Ogeysiis uu ku sheegayo inuu magaalada Hargeysa adeegyo caafimaadka ka fulinayo laga sii daayey telefishannada dalka qaarkood, taas oo ku muddaysnayd inuu magaalada Hargeysa joogi doono ilaa 17-ka bisha Maanta bilatay ee Abril.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment