Saturday, March 1, 2014

Guurka oo la shageey inuu Daawo ka yahay Kor-u-kaca Dhigga ka dhasha Cadhada

Iyada oo ay jirto in rag badan oo guursaday ay sheegaan in Dumarkii ay nolasha la qeyb sanayeen ay ku keenaan cadho iyo inay dhiigga ku kiciyaan aadna uga xanaajiyaan, ayaa haddana baadhayaal u dhashay Dalka Maraykanka oo Daraasad sameeyay ay Xaqiijiyeen gabi ahaanba wax taas ku lidi ah, waxaana ay tilmaameen in Nolasha guurka ee lamaanuhu ay door weyn ka ciyaarto hoos u dhigidda heerka kor u kaca cadaadiska dhiiga ee Qofka bini’aadamka ah.

Waxaana ay dadkaa khubaradda ahi sheegeen in cadaadiska dhiigu uu heerkiisa ugu hooseeya marayo Subaxda hore. isaga oo si tartiib ah kor ugu kaca inta maalinta lagu jiro.

Galabnimaddana uu hoos usoo dhaco. taasina ay tahay wareeg muhiim ah oo damaanad qaadaya Awooda jidh ahaaneed ee uu qofku leeyahay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment