Tuesday, March 4, 2014

“Itoobiya iyo Somaliland waxay leeyihiin dano ay wadaagaan”

WARBIXIN – Jariiradda L’espoir

Paris 04 March 2014 (Himilo)- “Dalka ku yaal Geeska Afrika ee Somaliland waxa uu ku fadhiyaa marin istaraatiiji ah, inkasta oo aanu aqoonsi caalami weli helin, dadkiisana lagu qiyaaso 4 milyan, haddana shirkado badan oo caalami ah ayaa indhaha ku haya,” sidaa waxa bilaabay warbixin dheer oo ka hadlaysa muhiimadda dekedda Berbera iyo xiisaha shirkada caalamku u hayaan.

Warbixinta oo shalay lagu qoray jariiradda L’espoir oo ka soo baxa dalka Faransiiska isla makaana uu Wargeyska Himilo si kooban akhristayaasha ugu tarjumay, ayaa lagu soo qaatay xog-waraysi jariiraddu la yeelatay Guddoomiyaha Shirkadda Ballore qaybteeda Afrika, kaas oo ku nuux-nuuxsaday xiisaha shirkaddoodu u hayso maal-gashi ay ku samayso Dekedda Berbera oo la sheegay inay maalgelinteeda ku bixinayaan Adduun lacageed oo gaadhay Shan boqol oo Milyan oo Yuuro.

Warbixinta jariiraddu qortay oo aanu qaybo ka mid ah soo qaadanay, ayaa u qornayd sidan: “Waxa la joogaa wakhtigii fursadaha iyo wada xaajoodka. Bishii january sannadkan, xilli uu booqasho madaxweynaha Somaliland Axmed Siilanyo ku joogay dalka Faransiiska, waxa ay xukuumadda Paris booqashadiisa ku tilmaantay [Somaliland waa fursada mustaqbalka].

Qaarada Afrika oo xilligan lagu qiyaaso dadka ku nool 1 bilyan, ayaa la filayaa inay sannadka 2050 gaadhaan laba bilyan ayuu qiray Dominique Lafont, madaxa shirkada Bollore qeybteeda qaarada Afrika ayaa sheegay in Itoobiya iyo Somaliland leeyahiin danno ay wadaagaan, oo Itoobiya doonayso inay hesho marino ganacsi, halka Somaliland doonayso aqoonsi caalami ah.

Hadafkaa awgeed, shirkada Bollore waxay rajaynaysaa inay marin ganacsi aan ahayn Jabuuti u furto Itoobiya, fursadna u ah Somaliland.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment