Baarlamaanka ayaa sheegay inaanay Haba yaraatee shirkaddani wax sharci ah ku joogin dalka Somalia.Fadhigga maanta oo buuq badan uu hadheeyay, waxaa dhowr jeer la waayey tiro sax ah oo u codeysa mooshinka laga keenay shirkadda Favori waxaana markii dambe Guddoonku amray in la xidho dhammaan albaabada xarunta baarlamaanka si xildhibaannada jooga aaney u bixin.
Kulanka waxaa maanta joogay 139- mudane, waxay 120 ka mid ah u codeeyeen in shirkadda Favori dalka laga saaro, waxaa ka aamusay 13-mudane laba mudane oo kaliye ayaa u codeeeyay in shirkadda ay dalka ka sii shaqeyso.
Waxa ay ku baaqeen oo kale xildhibannadu in shirkadda dalka aaney ka shaqeyn maadama markii hore heshiis qaldan lala galay haddana ay laaleen sii joogitaankeeda.
Xildhibaannada ayaa sheegay in shirkadaas aaney wax maslaxad ah dalka u joogin iyagoona ku baaqay in dalka laga saaro sida ay lee yihiin.
Shirkadda Favori ee laga lee yahay dalka Turkiga ayaa waxaa heshiis la galay xukuumadii hore ee Saacid, waxaana laga doonayay in ay dib u dhis iyo dayactir xooggan ku sameyso garoonka muddo kooban, balse tan iyo markii uu soo baxay in shirkadda lagu kacsan yahay waxaa hakad ku yimid howlihii shirkadda garoonka ay ka heesay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment