Tuesday, May 13, 2014

Xildhibaan ka tirsan Guurtida oo Safarka Odayaasha Somaliya ku yimaaddeen Somaliland ku sifeeyey Qorshe Weji cusub loogu Yeelayo Wada-hadallada labada Dal




Hargeysa, 13 May, 2014 (Himilo)- Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa socdaalka oday-dhaqameedka Soomaaliya ku yimaaddeen Somaliland ku tilmaamay shirqool Somaliland ka dhan ah oo laga soo maleegay xafiiska Qaramadda Midoobay ee UNSOM ee uu madaxda ka yahay NICOLAS KAY oo xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho.


maxamed x cabdiraxmaanXildhibaan Maxamed waxa uu ku eedeeyey Nicolas Kay inuu magaalada Muqdisho ka soo abaabulay qorshaha ay dalka ku yimaaddeen madax-dhaqameedka Soomaaliya oo uu xusay in lagu marin-habaabinayo aragtida beesha caalamka ee wada-hadallada u socda labada waddan, isla markaana uu socdaalkoodu uu hordhac u yahay qorshe la doonayo in mustaqbalka wada-hadallada looga wareego kulamo dhexmara madaxda dhaqanka labada waddan.


Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal warbaahinta loogu talo-galay uu shalay ka soo saaray Hargeysa, isaga oo dhammeystiranna waxa uu dhignaa sidan: “Maanta oo bishu 12/5/2014 waxaan si kooban ugu hadlayaa arrintan todobaadadii ugu danbeeyey hadal-haynta bulshada ku badnaa weftiga madaxdhaqmeedka ah ee ka socda Soomaaliya ee socdaalka dhawaan ku yimid Somaliland inay xambaarsan tahay ujeedooyin la rabo in arragtida beesha caalamku wakhtigan kula socotay wada-hadaladii ka socday dalka Turkiga ee u dhexeeyey dawladda Somaliland iyo Somalia ee beesha caalamku goob jooga ka tahay ishana ku haysay sida ay u socdaan wada-hadaladaasi, waxa la doonayaa in beesha caalamka  laga dhaadhiciyo in maadaama oo qolooyinkii siyaasiyiinta ahaa ee Somaliland u metalayey wada-hadaladu ay sheegeen inay ku shaqaynayaan rabitaanka shacbiga Somaliland, isla markaana aanay waxba ka badali Karin shirarka ay gadh-wadeenka ka yihiin siyaasiyiinta dalku, ayaa si loo majaro-habaabiyo xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka jira Somaliland waxa bilaabay xafiiska Qaramadda midoobay ee UNSOM ee uu madaxda ka yahay NICOLAS KAY oo hore loogu sheegay inaanu xafiiskiisaasi Somaliland dan u ahayn, loogana baahnayn inuu Hargeysa xarun ka samaysto, isla markaana sida uu warbixintiisii ugu danbeeyey ku cadeeyey uu golaha amaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa u sheegay inaanu xafiiskiisu shaqadii loo baahnaa aanu qabanin isla markaana ay dawladda Somaliland-na ku diiday in Hargeysa laga furo taasina ay keentay inuu hawshii loo sameeyey iyo ujeedadii laga lahaa xafiiskiisaasi aanu qabanin.


Sidaa darteed, waxaan shacbiga horumarka jecel ee dedaalaya ee reer Somaliland iyo xukuumadda talada haysaba uga digayaa qorshaha dah-soon ee looga dan leeyahay socdaalka odayaasha dhaqanka ee ka yimid magaaladda Muqdisho, waxaana jira xogo iyo xaqiiqooyin cad-cad oo ku taxaluqa socdaalka odayaasha dhaqanka ee Somalia iyo cidda ka danbaysa iyo waliba halka ay ka helayaan dhaqaalaha ku baxaya. Waxaana sida xogo mihiim ah oo laga helay arrimahaasi ay sheegeen in hawsha odayaashan laga soo abaabulay xafiiska qaramada midoobay ee UNSOM ee magaaladda Muqdisho ee uu madaxda ka yahay NICOLAS KAY, kaas oo uga dan leh inuu ku majaro habaabiyo aragtida beesha caalamku ku eegayso in loo tuso in ismari-waaga Somaliland iyo Somalia ee labada mawqif kala taagan in laga dhigo in lagu dhamaynkaro xagga dhaqanka maadaama oo ay Soomaalidu aad u ixtiraamto dhaqanka, taas oo xalka kaliya ee jira lagaga dhigayo in xaga bulshada rayidka ah ee Somaliland lagu qanciyo midnimadii la eeday ee boqolaalka kun ee qof inooga dhinteen, iyada oo uu xafiiska NICOLAS KAY doonayo inuu dunida u tuso sawir muujinaya in bulshadani ay raali ka tahay midnimo danbe iyo nidaamka ay Qaramada Midoobay dabada ka riixayso ee Federaalism-ka, maadaama oo dawladda Somaliland la ogyahay inaanay ka hor imankarin rabitaanka shacbiga dalka.


Dhinaca kale, waxaan bulshada u sheegayaa in arrintani tahay shirqool dhagaraysan oo laga soo maleegay Muqdisho, iyada oo qorshaha ugu wayn ee laga leeyahayna yahay in lagu Majaro-habaabiyo hanaanka wada-hadalada Somaliland iyo Somalia si loogu maro arrimahaasi xeelado ka duwan qaababkii uu hore caalamku ugu soo daalay, taas oo ah tan uu maanta soo dhoob-dhoobay NICOLAS KAY ee uu doonayo in beesha caalamka la tuso in la bilaabay is-dhexgalkii dhaqanka ee bulshooyinka Somaliland iyo Somalia, iyada oo sida aynu ognahay in imika la qaaday talaabadii 1-aad ee qorshaha NICOLAS KAY oo imika ay Somaliland ku sugan yihiin madaxdhaqmeed ka socda Somalia oo shirar kala duwan la yeelanaya madaxdhaqmeedka deegaanadda kala duwan ee Somaliland. Waxaana qorshahaas ku xiga in marka danbe looga gudbo wada-hadaladaasi in madaxdhaqmeedka labada dhinac ka wada hadlaan hab-dhaqan oo horseeda heshiisyo dhaqan si aakhirka dib loogu abuuro midnimadii Soomaaliyeed ee la eeday.


Ugu danbayn, waxaan baaq dheer u soo jeedinayaa Madaxwaynaha Somaliland, Goleyaasha qaranka, shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland guddo iyo dibadba iyo xisbiyada qaranku inay ka digtoonaadaan qorsheyaasha cusub ee uu Somaliland u soo maleegayo cadawgeeda oo uu kaw ka yahay xafiiska UNSOM ee magaaladda Muqdisho. Waxaana sida xaqiiqada ah lagaga hortagi karaa khatarahaasi cusub midnimo iyo isku duubni shacab, iyada oo dhamaanteed ay waajib inagu wada tahay difaacidda madaxbanaanida Somaliland.


Waxaan kaga baxayaa oo aan leeyahay xukuumadda Somaliland talada haysaa arrimahan ha ka ciyaarto doorkeeda oo beesha caalamka ha u bandhigto ujeedada dhabta ah ee madaxdhaqmeedkaasi, iyada oo dunida laga saarayo shakiga uu xafiiska UNSOM galinayo madaxbanaanida iyo qadiyada dalka, iyada oo aanu socdaalka madaxdhaqmeedkaasi wax isbedel ah marnaba ku keeni karin rabitaanka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland. WA BILAAHI TAWFIIQ”.


Himilomedia.com                


Hargeysa-Somaliland          

No comments:

Post a Comment