Saturday, May 3, 2014

“Afweynihii lala dagaalamay 20-km oo isku wareeg ah ayuu Hargeysa kaga tegay, maantana waxaynu ku heshiinay…”




“Umaddana haddaad Doonayso inaad ogaato inay jabtay ama ay jabayso, Garsoorkooda iyo umadda kala saarta ayaa la eegaa” – Sheekh Aadan-Siiro


                                      


Hargeysa, 03 May, 2014 (Himilo)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Siiro) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee  Magaalada Hargeysa, ayaa si adag u naqdiyey xil-gudasho la’aanta inta badan shacabku ku dhaliilaan garsoorka dalka iyo boobka lagu hayo dhulka danta Guud ee ku takri-falkiisa cid gaar ah lagu eedeeyo.


999999Sheekh Aadan siiro waxa uu ayaan-darro ku tilmaamay in aan Somaliland wali helin garsoor xukunkiisa caddaalad ku saleeya, isaga oo ku dooday in waaxda garsoorku ka gaabisay dhismaha waaxyaha kale ee qaranimada muddadii Somaliland haykalkeeda dawladnimo dhisanaysay.


“Bani’aadamku tabasho kama dhamaado, waana loollanka xaqa iyo baadilka ka dhexeeya. Rag gogoshii waa caddaalad iyo Nabad, Nabad-na waxa lagu helaa Caddaalad, waxaynu u taaganahay Laba walaalo ah oo murmaya in ka badan 22-ama 21-sanadood oo arrintoodu ay maxkamadda ku jirto oo waxa ka dhexeeyaa uu yahay Guri uu aabahood ka tegay, waxaynu u taaganahay Gabadh iyo seygeeda  oo murmaya in ka badan dhawr iyo toban sanadood oo raadinaya inay helaan Qof wanaagsan oo si yar oo fudud u kala saara iyo Agoomo badan oo dayacan,” Sidaas waxa uu sheekhu ku sheegay khudbad uu shalay Jimcihii ka jeediyey Masjidka uu khaddiibka ka yahay ee magaalada Hargeysa.


Sheekhu waxa uu sheegay in dhaqanka Somaliland ka jiraa uu noqday mid caddaaladu la socoto cidda xoogga iyo mansabka leh oo aanay  dadka jilicsani helin wax caddaalad ah, waxaanu yidhi, “Maanta yaa hadal badan, yaa lacag badan, yaa Reer Weyn ka Dhashay, yaa cid xidhiidh la leh, ayey tahay xaaladda jirtaa, laakiin caddaaladu  waa in xaqa la xukumo, Markaa Ra’yiga Bani’aadamka inaad tidhaahdo Ra’yigayga uun baan dadka u wadayaa ama ku wadayaa oo talada dadka ururin maayo, waxay keenaysaaa inaad dhinaca ka rarto talada umadda, Hantida umadda oo aad wax walba dhinac ka rarto, dabadeedna  ay dheellido, Umaddana daddaad Doonayso inaad ogaato inay jabtay ama ay jabayso Garsoorkooda iyo umadda kala saarta ayaa la eegaa.”


Waxa uu Sheekh Aadan ku dooday inay inta badan fashilan yihiin go’aamada Maxkamaduhu ka soo saaraan dacwadaha ay gacanta ku hayaan, taasina ay sii xumaynayso sinnaantii iyo wada noolaanshihii umadda. “Qofku muxuu go’aanka Maxkmadda ku qaadan, wuxuu sii ogyahay oo qalbigiisa ku jira in go’aankii Ninka ay is hayaan xalay la sii gaadhay. Immika haddii la is-qabto Xukuumadda ayaa gar leh, ka awoodda leh baa gar leh, Ka lacagta leh baa gar leh, Agoonka iyo ka maatida ah ee jililcsan ayaana bilaa gar ah, waana Mandiqa shaqeeya maanta,” ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.


Sheekhu waxa uu dhinaca kale iftiimiyey heerka ay wakhtigan taagan yihiin mushkiladda dhul-boobka oo uu sheegay inay si xawli ah uga socota Somaliland, waxaanu si gaar ah u taabtay sida loo ciseeyo dadka mansabka loo tirinayo. “Waxaynu arkaynaa dad ku mamay dhulkii umadda oo maalinba cid qabsanaya oo ama dhul badan haysta oo suuqa meeraysanaya, gaadhiyo cadcad iyo guryo waaweyn ku leh oo maalinba meel loo qorshaynayo iyo meelihii hantidii umaddu ay lahayd oo haddana dadka ugu cad-cad umadda ka mid ah oo meesha uu tagaba Albaabada laga furo,” ayuu yidhi sheikh aadan, waxaanu intaas ku daray, “Dhulkii, Hantidii umadda, Awooddii iyo wixii dadka ka dhexeeyey waxa boobaya wadaadkii awoodda lahaa, kii baayac-mushtariga lahaa ee awoodda lahaa iyo kii magaca lahaa…bal umad dhan oo boob u dhaqaaqday ka warran! Afweyne ninkii lala dagaalamay ee aad ogaydeen, 20-km oo isku wareeg ah ayuu Hargeysa kaga tegay, dhulkaasina Boqol sanadood ayuu inagu filnaa, maantana waxaynu ku heshiinay in dhulkii umaddu lahayd inagoo soo taagan kooxi iibsato oo qaadato, ama ganacsato ha ahaado oo lacago badan ha haysto ama Awood kale iyo reero ha sheegtaan, dhulkanna taakadu afar milyan oo Somaliland ah ayey ka dhexeeyaan.”


Sheekhu waxa uu qaylo-dhaan ka muujiyey in iyada oo la la’yahay meel lagu aaso dadka dhinta, lagu mashquulsan yahay sidii loo kala boobi lahaa dhulka bannaan ee caasimadda ku xeeran, “bani’aadam baa iman doona inay dadka wax u qabtaan doonaya, hadii dhulka muhiimka ah la wada isticmalo, halkee wax laga dhigayaa, Meel dadkii lagu aasaa la la’yahay, imika Afar bilood baan maqnaayoo wer-werka ugu weyni waxa uu iga hayaa arrintaas, Xabaalahana ugumaanu talo gelin kuwa Baabuurta waaweyn, lacagta iyo Mansabyada Waaweyn haysta’e waxaanu ugu talogalnay kuwa jilicsan ee aan baloodh iyo magac iyo reer midna sheeganayn ee haddii kaaryoone loo helo lagu aasi karayo.”


“Suurtagal ma aha inuu Hargeysa kala badh qof keligii yeelan doono oo nin sheegan doono 2000-kun oo baloodh oo umaddu leedahay dhawr million oo qofna ay dhul la’aan doonaan, qof walibana  dhul buu u baahan yahay oo xaq buu u leeyahay, Ka isleh intaad Hargesa iyo guryaha umadda kala badh qaadato ayaad iska hor fadhiyeysaa, kaasi waa riyoonayaa,” ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment