Xoogaga Mucaaridka ayaa duulaan xoogleh ku qaaday deegaanka Malilah ee ku taal banaanka caasimada Dimishiq, halkaas oo la sheegay inuu Taliyuhu ku geeriyooday.Jeneraal Xussen Ishaq ayaa noqonaya sarkaalkii ugu danbeeyey ee laga dilo dowlada Siiriya oo todobaadyadii lasoo dhaafay guulo militari ka gaadhay dagaalka ay kula jirto xoogaga kasoo horjeeda.
Dawladda Syria wali kama ay hadlin dilkan ay kooxaha mucaaridka ahi sheeganayaan, balse waxa sheegaya warar kale oo ka madax bannaan.
Xukuumada Syria ee uu hoggaamiye Madaxweyne Bashaar Al Asad, ayaa muddo saddex sano ka badan dagaal kula jirtey Kooxaha mucaaridka Syria, waxana ay dagaaladaas ku weyday Xubno muhiim u ahaa rijiimka dalkaas haystay muddada badan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment