Ujeedadda kulankan ayaa ahayd sidii loo deder gelin lahaa Munaasibadda foodda inagu soo Haysa ee 18-ka May, isla-markaana ay Ganacsatada iyo iskaashatada wadanku door muuqda uga qaadan lahaayeen.Maayar-ku-xigeenka ayaa waxa kulankan oo ka dhacay xarunta Dawladdda Doose ee Hargeysa ku Wehelinayey Tiro ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa, waxana uu ugu horrayn Maayar-ku-xigeenka Halkaas ka sheegay in Ganacsatada looga Baahan yahay in door muuqda ku dhex yeeshaan Maailntaas qiimaha ku leh Somaliland.
Maayar-ku-xigeenka oo ugu horrayn Hadalkiisa bilaabay, ayaa yidhi,“waxaanu halkan iskugu yeedhnay iskaashatooyinka ka hawl gala caasimada somaliland ee hargaysa oo ay ka mid yihiin iskaashatooyinka halka fadhiya oo kala ah ,Iskaashatada Hilibka ee Nafaqo, Iskaashatada bacadlaha ee waaheen, Iskaashatada bacdalaha gobanimo,ururka rayis- layaasha,ururka hudheelada diihaal-reeb,ururka xirfad layaasha barkhad, Iskaashatada basaska waawayn, Iskaashatada basaska yaryar ee dalmar, Iskaashatada gaadiidka waawayn ee tawfiiq,waxaanu dhamaantiin halka iskugu kiin yeedhnay waxa weeyaan u diyaar garawga maalinta qaran ee 18-ka may oo ah maalintii dhidabada loo taagay qaranimada iyo nabada ay maanta somaliland ku naaloonayso.”
Waxana uu isaga oo hadalkiisa sii watay u faray Ganacsada inay qaadaan Tallaabooyin ay ku muujinayaa Ahmiyadda maalintan, waxana uu yidhi,
“Waxaanu iskugu kiin yeedhnay waxaanu idiinku bushaaraynaynaa oonu idiin sheegaynaa Dhamaan ganacsatada suuqyada waawayn ee meheradaha kusoo jeeda leh laamiyada waawayn inaad sudhaan astaanta jamuuriyada somaliland oo ah calanka maanta laga bilaabo,kuna xidhaan laydh ka turjumay maalinta qaran ee 18ka may,meherada aanu ka wayn calanka waxaanu ka qaadi doonaa liisanka ganacsi mana ogolaan doono meherada aanu sudhnayn calanka somaliland,dadka ku nool caasimadana waxaanu ugu baaqaynaa in ay muujiyaan maalinta qaran ee 18-ka may isku soo bax balaadhan ka dhigaan caasimada Iyaga Oo Caalamka Tusaya Halka Ay Ka Taagan Yihiin Mabda’a Somaliland,guryaha iyo xaafadahana waxaan usoo jeedin lahaa in ay xaafada waliba qashinka iska horgurto calankana ku xidhaan guryahooda”.
Qaar ka mid ah Is-kaashadii Halkaas ku sugnayn oo iyaguna hadalka qaatay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen Maalintaas, isla-markaana ay diyaar u yihiin inay qaadaan Tallaabo kasta oo muhiim ah.
No comments:
Post a Comment