Wednesday, May 14, 2014

Nin Ka Soo Jeeda Deegaanka Qorilugud Oo Saaka ay Gaadmo Ku Dileen Koox Ka Soo Jeedda Buuhoodle iyo Saan-saan Colaadeed Oo Aloosantay

Qorulugud:May,14,2014 (Himilo)-Waxa Saaka Goob Dhinaca Bari kaga Beegan Magaalada Qorulugud ee Gobolka Buuhoodle ayaa Saaka Koox Hubaysan oo ka soo Jeedda Deegaanka Buuhoodle ay ku Dileen Marxuum ka soo Jeeda Beesha Qorulugud.

diliiiSida ay sheegayaan wararka aanu Halkas Ka helaynaa waxa Marxuumkan toogtay Dablay ilaa iyo Shan qof ka kooban oo si gaadmo ah rasaas oodda  uguga qaaday xilli u dhex joogay Xoolihiisa ee Deegaankaas Daaqayey Xilligaas.

Marxuumka la dilay ayaa Magaciisa naloogu soo Gaabiyey Giirre, waxana uu ahaa nin caan ka ahaa deegaankaasi.

Shacabka ka soo kala jeeda Deegaanada Buuhoodle iyo Qoriligudud ayaa ay dhextaallay Colaad soo bilaabantay intii uu Madaxweyne Siilaanyo Xukunka Dalka qabsaday, waxana hore uga dhex dhacay Dilal badan, waxana aan wali natiijo laga gaadhin dedaalo nabad loogu raadinayey oo in badan la isku dayey.

Dhinaca Deegaanka Buuhoodle, ayaa bilo ka hor waxa ay dil iyo dhaawac u geysteen rag ka soo jeeda Deegaanka qorulugud, kuwaas oo aan wali wax wada Hadal ah laga Gelin.

Dadka shacabka ah gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Deegaanka Qorilugud ayaa Haatan la sheegayaa inay isku urursanayaan Meel ku dhaw Halka uu dilku ka dhacay, waxana jira in qaban qaabo loogu jiro in dagaal la qaado.

Ciidanka qaranka oo ku sugan meelo aan ka fogayn deegaanka dilku ka dhacay ayaan wali wax tallaabo ah qaadin, waxase la filayaa inay ku dhaqaaqaan sidii ay labada dhinaca u kala dhex geli lahaayeen.

Wararka Haatan soo Baxaya ayaa sheegaya in Haatan  Marxuumkii dhintay lagu aasay Magaalada Qorulugud, iyadoo Beesha Dilku ku dhacay wali ku Hawllan tahay is urursi iyo is kooxaysi ay doonayso inay inay kaga jawaabto  dilka ku dhacay.

 

 

 

 Himilo Media

No comments:

Post a Comment