Monday, May 19, 2014

Maleeshiyo Hubaysan Oo Weeraray Xarunta Baarlamaanka Dalka Liibiya

Tripoli:May,19,2014(Himilo)-Waxa sii xumaanaya Xaaladda Ammaan ee Dalka Liibiya, iyadoo ay maleeshiyo Beeleed Hubaysani meelo kala duwan iskaga hor yimadeen.

leuteineDagaaladdan ayaa inta badan lagu arkayey Magaalooyinka Waaweyn ee Liibiya, iyadoo xarunta caasimadda ah ilaa shalay uu ka socday Dagaal fool-ka-fool ahi oo u dhexeeyey Kooxo hubaysan iyo ciidamo kale oo ka tirsan dawladda.

 

Ciidamada uu hogaamiyo Jeneraal Khalif Hifter  oo ah General gadoodsan,ayaa weerar ku qaaday Baarlamaanka Liibiya, maalin kadib markii ay ciidamadiisa weerareen maleeshiyaadka ku sugan magaalada Benghazi ee caasimada labaad.

 

Dowlada Liibiya ayaa sheegtay in Jeneraalka uu wado inqilaab militari balse Jeneraalka ayaa dhankiisa sheegay inay dowlada ku fashilantay wax ka qabashada maleeshiyaadka madaxa banaan ee ku sugan magaalooyinka waaweyn.

 

Jeneraalka Khalifa ayaa sheegay in uu doonayo inuu difaaco midnimada iyo Qaranimada Liibiya, garabkiisa ayaa hada ku doodaya in la kala diro Baarlamaanka dowlada Liibiya.

Xarunta Baarlamaanka ayaa wax aka dhacay Dagaal qadhaadh, ayadoo ay xaddidan yihiin wararka Halkaas ka imanayaa, maadaama ay ciidamada Goobahaas ku dagaalamay yihiin kuwo aan cidna ka amar qaadan.

Ilaa iyo intii talada dalka laga tuuray Hoggaamiyihii hore ee Dalkaasi Genral Mucamar Al-qaddaafi, waxa uu dalku  galay fawdo iyo iska hor imaadyo isdaba joog ah, waxana Gebi ahaanba burburay Adeegyadii nolosha Aasaasiga u ahaa, iyadoo wali lala tacaalayo sidii kala dambayntii iyo Nidaamkii dalkaasi lahaan jirey loo soo celin  lahaa.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment