Saturday, September 20, 2014

30-Oday Oo Ka Kala Socday Beelaha Isku Khilaafsan Balli-diiriye Oo Maanta Burco Lagu Dhaariyey

Burco:Sep,20,2014(Himilo)-Xubno Ka Tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo uu Hore madaxweyne Siilaanyo ugu igmaday turxaan Bixinta Shaqaaqada Balli-Diiriye, ayaa Maanta La Kulmay Waxgarad iyo Odayaal labada Beelood ee mursan ka kala socda.

dhaarKulankan ayaa waxa Goob-joog ka ahaa Gudida Nabadgelyada Gobolka Togdheer Oo Ugu Horeeyo Badhasaabka Gobolka Togdheer Mudane Maxamed Muuse Diiriye.

Hadaba Kulankani Ayaa Ahaa Dhaarinta Odayaasha Ka Kala Socda Labada Beelood, Waxaana UgU Horeynaba Kulankaasi Daahfuray Badhasaabka Gobolka Togdheer Mudane Maxamed Muuse Diiriye Oo Halkaasi Kasheegay Inay Iyagu Fulindoonaan Wixii Go aan Ah Ee Ay soo Saaraan Gudidaasi Ka socota golaha guurtidaWaxaana Hadaladiisii Kamid ahaa.

“Arrintu Gobol Ahaan Waatii Hore Nooga Tagtay Waxaana Loo Soo Xilsaaray Gudidan Golaha Guurtida Annagu Gobol ahaan Marhadaaanan Ka Garnaqayn Waxaanu Diyaar Unahay Inaanu Fulino Wixii Go aan ah Ee ay Ka soo saaraan Gudidaa Ka Socota Golaha Guurtida Ee Iyagu Gacanta Ku Haya ArrinkaWaxaana Xilnaga Saaran Yahay Inaanu Fulino Waayo Waxaanu Masuul Ka Nahay Gobolkii”, ayuu yidhi Badhsaabka Gobolka Togdheer.

Dhinaca Kale Waxaa Isaguna Halkaasi Kahadlay Gudoomiyaha Gudidaasi Yuusuf Cabdilaahi Cawaale Oo Isagu Ka war Bixiyey Kulankani waxaana Hadaladiisii Kamid Ahaa,

“Marka Ugu Horaysa Waxaan Uga Mahad Celinayaa Labada Beelood Oo Si Wanaagsan Noola Shaqeeyey,Maanta Waxaynu Halakn Isugu Nimi Talaabadii U horaysay Oo Ah In La Dhaariyo 30 Oday Oo Ka Kala Socda Labada Ardaa Sidii Aan Uga Qaadi Lahayn Kalsoonidii Iyagoo Wax Walba Nala Ogol”, ayaa Yuusuf Cabdilaahi Cawaale, Guddoomiyaha Gudoomiyaha Gudida Nabadgelyadu.

Waxaa Iyguna Halkaasi Ka Hadlay Xubno Kamida Gudidaasi Ka Socota Golaha Guurtida Xasan Cumar Iyo Diini Cabdilaahi Oo Iyaguna Halkaasi Hadalo Waano Iyo Wax Sheeg Ah Uga Soo Jeediyey Odayaasha Soddonka Ah Ee Ka Kala Socda Labada Ardaa.

Gebegabadii Waxaa Halkaasi Lagu Dhaariyey 30 Oday Oo 15kamid ahiba Ay Ka kala socoto Labada Ardaa Ee Cabdale Arab Iyo Beesha Reer Biniin.

Si Kataba Ha Ahaatee Waxaa Arrinkani Hore Uga Garqaaday Gudi Hore Oo Ka socotay Golaha Wasiirada somaliland Go aan Kii Hore Ee Laga Soo Saarayna Waxaa Ku Gacan Saydhay Beesha Cabdale Arab Oo Iyagu Aan Ku Kalsoonaan Go aankaasi Iyagoo ambiil Ka Qaatay Dacwadoodiina Geeyey Madaxtooyada Somaliland.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment