Sunday, September 21, 2014

Nuxurka kulan shalay dhex-maray Madaxweynaha iyo Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka & Ajandaha Is-aragga Maanta

Madaxweynaha Somaliland oo la filayo inuu maanta mar labaad Sexeexo Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah oo uu ka saari doono qodobbada murugga dhaliyey

Hargeysa, 21 Sept, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran, ayaa shalay kulan gaar ah ku wada-yeeshay xarunta Maddaxtooyada, kaasoo ay kaga wadahadleen xal u helidda khilaafka xooggan ee ka taagan hirgelinta diiwaangelinta Madaniga ah oo ay Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI 11-kii bishan aynu ku jrino iyo Xeerka diiwaangelintaas oo ay Xukuumaddu curisay qodobbo ka mid ah.
Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID, ayaa go’aanka wada-jirka ah ee ay ku qaaddeceen diiwaangelinta Muwaaddiniinta, ku sheegayka inay sabab u tahay ka dib markii ay Xukuumaddu ka baxday heshiisyo ay hore u wada galeen sida ay ku doodeen, iyagoo Xukuumadda ku eedeeyey inay xeelado dib loogu dhigayo doorashada iyo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ka leedahay, kana baxday heshiisyo ay hore u wada-galeen.
Kulanka ay Sabtidii shalay wada yeesheen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo sida la sheegay uu weheliyey Ku-xigeenkiisu Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Xisbil-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo dhinaca Xukuumadda ah iyo labada Guddoomiye ee labada Xisbi ee Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaan war rasmi ah laga soo saarin waxa ay iskula meel-dhigeen Masuuliyiintu iyo natiijada ka soo baxday toona.
Hase-yeeshee, ila-wareedyo xog-ogaal ah oo si dhaw ula socday kulankaas iyo nuxurkiisa, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in kulankaas lagaga dooday arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin qaaddacaadda diiwaangelinta Madaniga ah ee Xisbiyada Mucaaradka ah iyo waxay ku diiddan yihiin, halka ay Masuuliyiinta Mucaaradkuna sida la sheegay ku doodeen inay diiddan yihiin oo ay ka soo horjeedaan ka bixitaanka heshiiyada ay Xukuumaddu ka baxday.
Heshiisyadaas oo ay ku doodeen Mucaaradku inuu ugu horreeyo heshiiska dhigayey inaanay isa-saamaynin labada diiwaangelinood ee Madaniga iyo Cod-bixintu, isla markaana si garbo-siman ah isu garab-socdaan, in ay diiddan yihiin labada Xeer ee labada diiwaangelinood ee ay Xukuumaddu isku soo dhex-walaaqday oo Xeerka diiwaangelinta madaniga ah oo ay Curisay, isla markaana Baarlamaanka horyaalla qodob ka mid ahi dhigayo inaan la qaban karin diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha illaa la dhammaystiro ta madaniga ah, kaasoo heshiisyada iyo wakhtiga la haystaba inuu ka hor-imanayo ay ku doodeen Mucaaradku siday ila-wareedyada Wargeyska Himilo soo xigtay tibaaxeen.
Warku wuxu intaas ku daray in wakhtiga la haystay iyo heerarka ay doodda labada dhinac ee Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ah dhex-marayey ay gaadhaysay ay kala koobnaayeen ama aanay is-keenaynin, sidaa awgeedna loo ballamay kulan labaad in Axadda maanta ay dhinacyadu isugu soo noqdaan haddii ILLAAHAY yidhaahdo, iyagoo ila-wareedyadu tibaaxay in Madaxweynuhu dhankiisa ka garaabay qaladaadka ay Mucaaradku tirsanayaan qaarkood, halka iyaguna ay ka garaabeen qallafsanida go’aanka adage e ay kaga horyimaaddeen diiwaangelinta, waxaana la isla qaatay in si aan hawshuna qabyo u noqon wakhtiga la hayana looga faa’iideeyo in wax si deggan la isula saxo.
Ila-wareedyada Wargeyska Himilo warkan ka soo xigtay waxay intaas ku ladheen oo ay xaqiijiyeen in kulanka loo ballansan yahay in maanta la isugu yimaaddo in la filayo in Madaxweynuhu dib u saxeexi doono Xeerka diiwaangelinta ka dib marka laga saaro qodobka dhigaya inaan diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha la qaban karin illaa diiwaangelinta Madaniga ah la dhammeeyo iyo qodob kale, markaasoo uu mar labaad dib ugu soo gudbin doono Golaha Wakiillada si ay uga doodaan, wax ka beddel iyo kaabis ugu sameeyaan amaba sidiisa ugu ansixin karaan sida Sharcigu siinayo Sharci-dejinta.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment