Sunday, September 21, 2014

“Tan diiwaangelinta Cali Waran-caddaa Tuurta ku sita, qaab alaaliyo qaab wax loo diiwaangelinayaana ma jirto”

Hargeysa, 21 Sept, 2014 (Himilo)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doorto gobolka Saaxil, kana soo baxay Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa ugu baaqay dadweynaha gobollada iyo degmooyinka dalka ku dhaqan inay ka soo horjeestaan Diiwaangelinta Madaniga ah oo uu sheegay in Tunka lagu sito, isla markaana ay ka diidaan Xukuumadda Siilaanyo muddo-kordhsi.
download-11Mudane Siciid waxa uu sheegay in sidii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu hoggaamin jiray Muddaharaadyada lagaga soo horjeedi jiray Xukuumadda Madaweynihii ka horreeyey ee Daahir Rayaale Kaahin oo kale uu ballan-qaadayo inuu hoggaamin doono Muddaharaadyo waawayn oo Xukuumadda iyo ficilladeeda sida loo diiddan yahay lagu muujinayo, isla markaana haddii ay joojin weydo oo ay Xukuumaddu bilawdo inay Ciidammadu Rasaas nool u adeegsadaan ay Muddaharaadayaashuna la soo bixi doonaan Rasaastaas teeda.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Sabtidii shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ay Golohooda ka bilaabantay doodad wax loogu yeedhay diiwaangelin Madani ah sida uu hadalka u dhigay, oo uu sheegay inuu Tuurta ku sito Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, taasoo uu ku tilmaamay mid ujeeddo aan la aqbali karin laga leeyahay. Waxaanu ku baaqay haddii maalin lagu daro muddada xil-haynta Madaxweynaha ee sharciga ah oo ku eg 26 June 2015-ka in dadweynaha ku dhaqan lixda gobol ee waawayn ee dalka iyo degmooyinkoodu isugu soo baxaan Muddaharaadyo oo ay diidaan muddo-kordhin.
“Golahayagaa maanta (shalay) dood baa ka socota, dooddaasi wax kale maaha waxa weeyaan diiwaangelin diiwaangelinta Muwaaddiniinta lagu sheegayo oo Tuurta lagu sito oo aan caddayn, immika metelan tan cod-bixiyeyaasha, waxa goobta fadhiya Xisbiyada Qarankaa, Munaaqibiin (Goob-joogayaal) baa ka jooga, Boolis baa jooga, Daakhiligaa (Wasaaradda arrimaha gudaha) joogta, waa wax sugan oo la wada arkayo weeye. Tan (diiwaangelinta Madaniga ah) waxa la yidhi Wasaaradda arrimaha gudaha, Cali Waran-caddaa Tuurta ku sita, qaab allaaliyo qaab wax loo diiwaangelinayaana ma jirto.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.
Waxaanu Xildhibaan Siciid oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray; “Waxaan idiin sheegayaa....Waxa taas loo waa, Nidaamka caynkaas ah ayaa doonaya inuu laba sannadood ama saddex sannadood korodhsada, diidnay dhaha!. Gabilayeey diida, oo Booramaay diida, oo Ceerigaaboow diida, oo Burcooy diida, oo Saaxileey diida oo Hargeysaay diida.! Waar ma tanaa laba sannadood oo kale inna hayn karta, maxaa innaga hadhaya-ba hadday laba sannadood korodhsato?”
“Anigu waxaan leeyahay Nidaamkani ha dhaco, halla rido, waxaana ballan aan leeyahay shalayto Siilaanyo waakii muddaharaadka nagu hor-kacayey, Muddaharaadkiisa kiisii baan keenaynaa, Midaan Al-Taxriir baynu sideennii u keenaynaa, waa kacaynaa, Rasaasta ha wadaan hadday doonaan, hadday dayn waayaan oo Rasaas innagu fata-balaasaan (innagu furan) waynu la soo baxaynaa innaguna sababtu waxa weeye Sharciyan nidaamka aynu qaadannay maaha in Rasaas dadka lagu laayo.” ayuu yidhi Mudane Siciid Cilmi Rooble.
Xildhibaanku mar uu ka hadlayey muddaharaadka dhimashada iyo dhaawaca sababay ee Jimcihii ka dhacay magaalada Gabiley iyo dilka Saraakiisha ay reer Gabiley ka gedoodsanaayeen, waxa uu yidhi; “Waxaan leeyahay aad iyo aad baan uga xumahay waxa ummadda ku dhacay, haddaad tihiin Booramaay ama dilaay iyo Gabiilayeey Berberi way idinla qaybsanaysaa Baroor-diiqda, Hargeysa way idinla qaybsanaysaa, Ceerigaabo way idinla qaybsanaysaa, Burco way idinla qaybsanaysaa, gobollada dalka oo dhami way idinla qaybsanayaan waa ka xun yihiin, waxaan leeyahay arrinkaasi meel-ka-dhac ah buu ahaa, waxan labaad ee la sii sameeyeyna waa meel-ka-dhac.”
“Waxaan ku soo gebo-gabaynayaa, Nidaamkani (Xukuumadda Siilaanyo) maalin yay innagu dhaafin 26 June 2015-ka, 26 June maalin haddii lagu daro lixda gobolba waa in laga soo baxaa, lixda gobol-ba waa in laga muddaharaadaa, diidnay waa in la yidhaahdaa, hadduu ka tegi waayo sidii caalamka waa inaynu Madaxtooyada galnaa innagoo Shicib ah, sidaas baa innoo ballan ah haddii Allaah yidhaahdo.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment