
“Waxaan si cad u beeninaynaa war lagu baahiyey, isla markaana sheegaynaa inaanay waxba ka jirin. Shirkadu waxay ka ganacsataa tigidhada diyaaradaha, balse maaha xafiis socdaal (immigration) oo bixiya baasaboorada,”
Maamulka shirkadda Jubba Airways waxa uu sheegay inay Wargeyska uga fadhiyaan caddeynta warka lagu sheegay in xafiiska shirkadda lagu sameeyo baaboorka Soomaaliya.
“Waxaan uga fadhinaa wargeyskii baahiyey wararka aan jirin inuu keeno caddeynteeda, hadii kalena waxaanu la tiigsan doonaa hay’adaha sharciga ee dalka,” ayuu yidhi Khadar.
Mid ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa, ayaa shalay boggiisa hore ku daabacay war sheegaya in shirkada diyaaradaha Jubba Airways xafiiskiisa Hargeysa lagu farsameeyo baasaboorka Soomaaliya, waxaanu Wargeysku warkan caddeyn uga dhigay in Wariye ka tirsani indhihiisa ku arkay dad loo diiwaangelinayey bixinta baasaboorrada, haseyeeshee Wargeysku warkiisa kuma soo bandhigin caddeymo ku filan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment