Saturday, September 20, 2014

Go’aankii Shacabka Scotland oo galaaftay Siyaasi 20 Sanno u ololeynayey Madax-bannaani, Boqoradda UK iyo David Cameroon ka hadlay

Qaab Noocee ah ayey u dhacday Aftida laga Qaaday Scotland?


Glasgow, 20 Sept, 2014 (Himilo)- Shacabka ku dhaqan gobolka Scotland ee Midowga Boqortooyada Britain oo Khamiistii u dareeray afti ayaahooda ay kaga tashanayaan, ayaa go’aamiyey inay ka sii mid ahaadaan Midowga, ka dib markii natiijada codbixintii ay dhiibteen oo Jimcihii shalay la shaaciyey ay boqolkii 55 ku diideen madax-bannaanida halka boqolkiiba 45 u codeeyeen inay ka hoos baxaan Midowga Boqortooyada.

qul-qulatooyinGobolka Scotland oo ka kooban 32 degmo-degmo doorasho isla markaana ay codadkooda dhiibteen tiro ku dhow Afar Milyan oo qof, , waxa Madax-bannaanida ka soo horjeestay 2,001,926 oo ka dhigan boqolkiiba 55.30, halka inay Scotland noqoto waddan madax-bannaan ay u codeeyeen 1,617,989 oo qof, una dhiganta boqolkiiba 44.70 tirada guud ee dadka ka qayb-qaatay aftida.

32-ka degmo doorasho ee gobolka Scotland ka kooban yahay badankoodu waxa ay u codeeyeen inay ka sii mid ahaadaan Midowga Boqortooyada UK. Afar degmo-doorasho oo ay ku jirto degmada ay ka tirsan tahay caasimadda iyo magaalada u weyn Scotland ee Glasgow, ayaa u codeeyey inay ka go’aan waddanka UK intiisa kale, iyada oo tirada dadka madax-bannaanida doonayey ka bateen dadka kale, halka 28-ka degmo-doorasho ee kale ay dhammaantood ka soo horjeesteen madax-bannaanida marka la eego tirada dadka midnimada doonayey iyo kuwa madax-bannaanida doonayey.

Aftida maalintii Khamiistii laga qaaday shacabka Scotland, ayaa ku timi ka dib markii dabayaaqadii sannadkii 2012-kii heshiis dhigaya aayaha shacabka gobolkaas in la weydiiyo ay kala saxeexdeen raysal-wasaaraha Britian, David Cameroon iyo Wasiirka koowaad ee Scotland, Alex Salmon.

Haseyeeshee, waxa olole ballaadhan ka galay isla markaa kaalin weyn ka geystay natiijada soo baxday Raysalwasaarihii hore Britain, Gordon Brown oo u dhashay gobolka Scotland iyo Raysal-wasaare ku xigeenka xilligan Nick Clegg.

Natiijada Aftida ka dib?

Magaalada ugu weyn Scotland ee Glasgow oo shacabka intiisa badan u codeeyeen madax-bannaani, waxa shalay ka dhacay rabshado dhexmaray taagerayaal kala taabacsan labada fikradood ee aftida loo qaaday, waxase khasaare ka dhasha rabshadahaas horjoogsaday ciidamo boolis ah oo la kala dhex-dhigay.

Wasiirka koowaad ee Scotland isla markaana ah hoggaamiyaha Xisbiga SNP, Alex Salmond oo ah ninka ka dambeeyey fekerka aftida lagaga qaaday shacabka, ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilayo xilaka wasiirnimo ka dib natiijada ka soo baxday aftida shacabka ku diideen madax-bannaanida.

Waxa kale oo uu sheegay inuu iska casilayo guddoomiyenimada xisbiga SNP (Scottish National Party) oo uu soo hoggaaminayey muddo 20 sanno ah.

Maxay Boqoradda iyo Raysalwasaaruhu ka yidhaahdeen?

Boqoradda UK Elizabeth II, ayaa go’aanka shacabka Scotland qaateen ku tilmaatay natiijo shacabka Boqortooyada UK ixtiraami doonaan.

“Shaki igagama jirin in shacabka Scotland iyo dadweynaha ku nool Boqortooyada UK ay go’aan cad ka qaadan karaan kala-duwanaanshaha afkaarta sida xooggan laysugu hayo,” ayey tidhi boqoradda oo natiijada aftida ka dib shacabka la hadashay.

Dhinaca kale, Raysalwasaare David Cameroon, ayaa sheegay in saddexda xisbi ee ay ka dhisan tahay dawladda wadaagga ah ee UK ay xoogga saari doonaan sidii loo xoojin lahaa awoodaha siyaasadeed ee Scotland sida baarlamaanka iyo xisbiyada ka dhisan gobolkaas.

No comments:

Post a Comment