Allaha awooda leh waxa uu aadamigiisa qaar siiyaa nimcooyin fara badan halka kuwo kalana uu ka nusqaamiyo, laakiin intuba waxay yihiin hab maslaxadi ugu jirto adoonkiisa oo uu isagu u gartay (SW). haddaba qisadeenan waxaynu ku eegaynaa haweenay u dhalatay dalka Aljeeriya oo xaaladeedu ka yaabisay dadka aqoonta u leh xanuunada indhaha ku dhaca, gabadhani waxay ku soo dhalatay indho la’aan, hasa yeeshee sanadkii hal mar ayay wax aragtaa. Warbaahinta dunidda ayaa maalmihii u danbeeyay si wayn uga faaloonaysay xaalada gabadhan waxaanay jaraa’idku ka qoreen in haweenaydan oo lagu magacaabo Faatixa oo da’deedu tahay 32-jir waxay ku dhalatay indho la’aan laakiin waxay sanadkiiba hal mar u soo noqda aragtida mudo 15-daqiiqadood ah, taas oo ku beegan galabnimada Jimce ah. Qaar badan oo ka mid ah dhakhaatiirta xanuunada indhaha ku dhaca oo arintan wax laga waydiiyay ayaa ku tilmaamay mucjiso aan aqoonta aadamigu waxba ka odhan karin. Akhriste bal sawiro qof sanadka oo dhan indho la’aan ku jiraya ka dibna daqiiqado kooban haddana sidiisi ku noqonaya oo xal loo laayahay, miyaanay taasi ku tusayn in Alle (SW) mararka qaarkood aadamiga tuso in cilmiga la siiyay yahay mid kooban.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment