Sunday, September 21, 2014

Kurdiyiin Kasoo Yaacay Dagaallada Syria iyo Ciraaq oo Isku Shubay Gudaha Dalka Turkiga

Stanbul:Sep,21,2014(Himilo)-Tiradii ugu Badnayd ee katirsan Dadka Kurdiyiinta ah eeku Nool Dalalka Ciraaq iyo Syria, ayaa qaxootinimo kusoo gelaya Gudaha Dalka Turkiga, iyagoo kazoo cararay dagaallada ay wadaan kooxaha Daacish.

deeDeegaanada ay kooxda Daacish qabsatay tan iyo Khamiistii lasoo dhaafay ayaa ah goobo ay u badan yihiin dadka kurdida ah ee ku nool waqooyiga Siiriya.

Dowlada Turkiga ayaa jimcihii xuduudeeda u furtay dadka Shacabka ah ee kasoo qaxaya Siiriya.

Qaxooti gaadhaya 45.000 kurdi ah ayaa u qaxay dalka Turkiga iyagoo ka cabsi qaba inay xasuuqdo kooxda ISIL oo dagaal xoogan kula jirta xoogaga Kurdida ee wadamada Siiriya iyo Ciraaq.

Inta badan dadkan ayaa ku noolaa magaalada Aynul Al Carab oo ku taal waqooyiga dalkaasi Siiriya, deegaankaasi oo ay hada ku hareeraysan yihiin maleeshiyaadka Daacish.

Hogaamiyayaasha Kurdida ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay u gurmato kurdida ku nool dalka Siiriya.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment