Saturday, September 20, 2014

Tirada Dhimashada iyo Dhaawaca ka dhashay Muddaharaad Rabshado watay oo Gilgilay Magaalada Gabiley

Gabiley, 20 Sept, 2014 (Himilo)- Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, siddeed Ruux oo isugu jira Shan shacab ah iyo saddex Askar ahina way ku dhaawacmeen, muddaharaad xooggan oo shalay Jimcihii gilgilay magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley, kaasoo gelinkii hore illaa gelinkii dambe ee shalay ka socday gudaha magaaladaas.

unnamed-36Muddaharaadka ayaa lagaga soo horjeeday Saraakiil Ciidanka Qaranka Somaliland ka tirsan oo Deegaanka Qori-lugud ee gobolka Saraan lagu dilay Habeenkii Khamiistu soo galaysay, kuwaasoo uu dilay Askari Dable ah oo Ciidanka ka tirsanaa, isla markaana markii uu dilkaas geystay Baxsaday oo aan gacanta lagu dhigin, waxaanay Muddaharaadayaashu sheegeen inay ka xun yihiin in Saraakiisha la dilay oo mid ka mid ahi reer Gabiley yahay aan ciddii dilka geysatay loo qaban, balse laga shaqeeyey sidii uu u baxsan lahaa, dawladda Somaliland-na aanay weli ka hadal, sida ay ku cawdeen Bannaan-baxayaashu.

Hase-yeeshee, Muddaharaadka ay shalay ka dhacay magaalada Gabiley, ayaa ahaa mid Rabshado hadheeyeen oo ay dadka muddaharaadayey Taayirro waddooyinka ku gubeen, isla markaana shiidayeen Baabuurta, ay ku dhex-dhuunteen Tuugo baadasho kula kacday dad Rakaab ah oo jidka marayey iyo Baabuur Qaad u soo sidday dhinaca magaalada Hargeysa oo ka yimi dhinac dalka Itoobiya, sida uu Wargeyska Himilo u xaqiijiyey Guddoomiyaha gobolka Gabiley, waxaanay tallaabooyinkaasi sababeen in Ciidammada Boolisku Rasaas nool u adeegsadaan kala kaxaynta Shacabkaas gedoodsan oo sababtay khasaaraha dhaawaca oo ay shacabka laftoodu Askarta dhagaxan ku dhaawaceen sida uu Guddoomiyuhu sheegay.

Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine) oo isagoo jooga magaalada Gabiley ee xarunta gobolkaas uu Waraysi gaar ah Khadka Taleefanka kula yeeshay Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Wargeyska Himilo, isla markaana su’aalo badan ka weydiiyey siday wax u dhaceen. Waxa uu ugu horreyn isagoo ka jawaabaye muddaharaadkaas ay Shacabka Gabliey kaga cabanayeen sida ay uga xun yihiin dilka Saraakiisha Ciidanka Qaranka loo geystay ee aan cid loo qaban iyo siday uga hor-tageen maamul ahaan;

Waxaa uu ku jawaabay; “Maamulka gobolka Gabiley ma joogo Jiidda hore ee Ciidammadu joogaan, mana maamulo ciidammada Qaranka Somaliland ee waxa uu maamulaa sharciyan gobolka Gabiley iyo deegaannadiisa, ka hadalka arrintanna waxa nooga bannaanaa Tacsi oo waan tacsiyadaynay Qoska uu Sarkaalkaasi ka dhashay. Sarkaalkani waa Sarkaal ka dhintay Qaranka Somaliland oo uu dilay Askari Ciidanka ka tirsan oo Shaydaan ku noqday.”

Waxaanu Guddoomiyaha gobolka Gabiley oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray; “Marxuumkuna Nin  dhalinyara oo Sarkaal ah buu ahaa oo damqasho gaar ah nagu leh guud ahaan Qaranka, arrintaa annaguna waannu ka xunnahay, waana arrin laga wada xun yahay ee may ahayn arrin laga muddaharaado waa murugo Qaranka oo dhani wada qabo mid reer Gabiley gaar u ah maaha, waxaanu ahaa Aqoonyahan dhalinyaro ah oo Sarkaal Ciidan ah oo Waajib Qaran gudanayey oo Difaaca dalkiisa iyo dadkiisa halkaas u joogay, waana arrin laga xun yahay dilkiisu, Cisi iyo Sharaf baanu ku dhintay, waanu shihiiday maaddaama oo ay gacan ka xaq-darani dishay, waxaanan leenahay Allaah Naxariistii Janno haka waraabiyo, dhammaanteen iyo qoyska uu ka baxayna ALLAAH Samir iyo Iimaan ha innaga siiyo ayaan leenahay.”

“Muddaharaadku saacado badan buu socday, in badan baannu isku daynay inaannu dedka dejinno oo la hadalno, anigaygan kula hadlayaa waan dhex-lugeeyey, saacado dhan baan beryey oo aan lahaa is-dejiya oo xaaladda dejiya. Hase-yeeshee, may suuragelin oo xataa Roob da’ayey oo kala kaxayn waayey. Balse hadda xaaladdu way deggan tahay.”

Guddoomiyaha gobolka Gabiley oo ka jawaabayey Su’aan aan ka weydiinnay inta uu le’eg yahay Khasaaraha ka dhashay Muddaharaadkaas ee dhimashada iyo dhaawaca waxa uu yidhi; “Tirada Dhaawacu waa siddeed qof oo isugu jira Askar iyo Shacab, hal qof baa dhintay oo ah ilmo-yar oo Hooyadii dhabarka ku sidday oo Gaadhi jiidhay, Hooyadiina way dhaawacantay, ilmihiii yaraana waa dhintay. Gaadhigii iyo Darawalkiina waa xidhan yihiin oo gacantaannu ku haynaa.”

Mar Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine) aan weydiiyey Gaadhiga Wiilka yar ee dhintay iyo Hooyadii jiidhay in la sheegayo inuu yahay Gaadhi Ciidanka RRU-du leeyihiin oo si badheedh ah u jiidhay iyo waxa ka jira waxa uu yidhi; “Ma jiro Gaadhi RRU-du leedahay oo cid jiidhay Gaadhigani waa Gaadhi Shicib oo ka cararayey Shiidka ay dadku shiidayeen, waanigan kuu sheegaya ee ku leh Gaadhigaas iyo Darawalkii waday-ba way xidhan yihiin, waana gaadhi Shacab.”

Sidoo kale, Guddoomiye Mustafe-shiine oo ka jawaabeyey su’aal ahayd, maxaa keenay in muddaharaadayaasha Rasaas nool Ciidanka Boolisku u adeegsadaan miyaad waydeen xal kale oo aad dadka ku dejisaan, waxa uu yidhi; “Muddaharaadku Barqadii Jimcaha maanta (shalay) ayuu bilaabmay illaa galabnimadkiina wuu socday, muddada intaas oo saacadood ah waxa uu u socday waxa uu ahaa inaan xaaladda dejinno, Anigaa dhex lugeeyey oo beryey oo dhex-socday oo maslaxayay oo lahaa joojiya, illaa saddexdii galabnimo, waana dadkaan Masuulka ka ahayn oo inaan dhib u geysanno iyo inaan wax yeelno midna ma jeclin.”

“Laakiin, waxa Rasaasta keenay, markii ay dadku rabshado fool-xun ku kaceen ee ay Baadheen dad Masaakiin ah oo Itoobiyaan ah oo Safar ah iyo Baabuur qaad sidday, ayaa Boolisku Rasaas ku kala kexeeyey maaddaama oo amnigu faraha ka sii bixi lahaa haddii baadhashadaas iyo bililiqaysigaasi sii socon lahaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine) oo sii watahay jawaabta uu su’aashaas kor aan ku weydiiyey ka bixiyey.

Mustafe-Shiine oo aan weydiinnay in wararka qaarkood sheegayaan in Gaadhigiisii iyo Gaadhi uu watay Wasiirka Beeraha Somaliland oo dhanka Boorama u safrayey Muddaharaadayaashu Burburiyeen, waxa uu ku jawaabay; “Anigu anigaa dadka dhex-lugayeynayey oo la hadlayey, dadka dhalinyarada ahina intooda badan way i taageersanaayeen oo way i maqlayeen, markaa haba-yaraatee wax dhibaato ah oo ay ii geysteen iyo Baabuur ay iga jajebiyeen midna ma jiro. Balse niman Siyaasiyiin ah oo waawayn baa meesha ku dhex-jiray oo kicintan iyo abaabulkan waday, oo xataa iyadoo Roobku da’ayo Baabuur ay Mikrifoonno ku soo xidheen magaalada ku dhex-marayey oo dadka soo saarayey, taasaa keentay inaan markii dambe ka dhex-baxo.”

Mar uu ka jawaabayey Guddoomiyaha gobolka Gabiley su’aal aan ka weydiiyey dadka safarka ah ee Itoobiyaanka ah ee uu sheegay in lagu baadhay Gabiilay tiradooda iyo halka ay ku socdeen waxa uu yidhi; “Waxay ahaayeen shan Nin oo Itoobiyaan ah, kana yimi dhanka Itoobiya oo ku soo socday magaalada Hargeysa, kuwaasoo inta gaadhi lagala degay laga qaaday Baasaabboorradii ay wateen, Lacag iyo Dharkii ay siteen-ba, iyagana aannu soo badbaadinnay, runtii waa fal fool-xun oo Tuugtu uga faa’iidaysatay Muddaharaadka, Shantaa nin waxay naga dalbadeen in aannu u fududayno inay yimaaddaan Hargeysa, waxa ka maqannna la baadho oo la baadi-doono. Markaa, Ciidammaduna way baadhayaan Baasaabboorrada, Lacagta iyo Dharka laga qaaday iyo ciddii falkaas geysatay-ba, shantaa ninna Hargeysa ayaannu u soo dirnay. Waxa kale oo jira Baabuur Jaad oo iyagana Qaadkii saarnaa la bililiqaystay, jajebinna loo geystay, markaa dadkii dhibtaas geystay ee Sumcad-dilka iyo Sharaf-darrada u soo jiidaya dadka Sharafta leh ee reer Gabiley in gacanta lagu dhigo ayaannu rejaynaynaa Insha Allaah.”

Badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiiine) inay jiraan cid ay weli arrintaas u qabteen illaa hadda iyo inay dad u xidh-xidheen Muddaharaadka, waxa uu yidhi; “Masuuliyadda na saaran Maamul ahaan way kala horreysaa, masuuliyadda markaa maamul ahaan na saarani waxa weeye horta inaannu dadka dejinno oo nabadgelyada in la sugo aannu ku dedaalno, markaa ka dibna Hay’adaha ammaanku ay baadhitaanka sameeyaan, ciddii falkaa foosha-xun ku kacday iyo siyaasiyiinta kacdoonka waday-ba tallaabo Sharci ah oo ku habboon laga qaado. Markaa, nasiib-wanaag immika waannu ku guulaysannay inaannu xaaladda dejinno, waanay deggan tahay magaaladu oo wax dhibaato ah iyo wax nabadgelyo-darro ah midna kama jiraan, cid illaa hadda la xidh-xidhayna waxa jira Dhalinyaro iyagu Baabuur jajabiyey oo Shiidka joojin waayey.”

Gebo-gabadii Waraysan gaarka ah ee Wargeyska Himilo la yeeshay Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine), waxa uu ku soo jeediyey oo uu ku baaqay; “Waxaan u soo jeedinayaa dadweynaha reer Gabiley inay is-dejiyaan, xaaladdana dejiyaan, isla markaana ay ilaaliyaan Sumcadda, Karaamada iyo Sharafta ay leeyihiin reer Gabiley oo aanay ku kicin wax sharaftooda iyo karaamada ay leeyihiin wax u dhimaya sida waxaa maanta dhacay ee Tuugtu ku dhex-dhuumatay inaanay ku kicin wax cadawga iyo kuwa xumaanta doonayaa ka faa’iidaysan karaan magacoodana wax ku yeeli karaan. Mucaaradkana waxaan u soo jeedinayaa oo ugu baaqayaa inay Ciidanka Qaranka Abtiriska, qabyaaladda iyo beelaynta ka daayaan oo ay Siyaasac cad oo aan dalka iyo dadka toona dhibaato ku ahayn taageero ku raadiyaan baan ugu baaqayaa.”

No comments:

Post a Comment